Caruusad halkii ay guursan laheyd caruuskeeda ku gacan-seyrtay oo guursatay nin kale kadib markii ay ogaatay in caruusku fulin waayay balan ay wada galeen oo ahaa inuu suuli u dhiso.

Mumbai, India (Himilonews) – Caruusad reer Hindiya ah ayaa joojisay xafladda arooskeeda maalinkii meherka kadib markay ogaatay in caruuskeeda uu ku dhacay inuu u dhiso suuli ama musqul u gaar ah kaas oo uu ka balan-qaaday kahor heshiiska.
Kadib joojinta ama ku gacan-seyrista arooskeeda, haweeneydan 25-jirada ah oo kasoo jeeda Lucknow, waxay guursatay nin kale kaas oo u balan-qaaday suuli ama musqul inuu uga dhisayo gurigiisa.
Xubnaha qoyska ee haweeneydan ayaa sharaxay in qorshaha guurka ee u dhaxeeyey 25-jiradan iyo ninka uu soo af-meermay kadib markii uu oggolaaday inuu suuli ama musqul uga dhiso gurigiisa.
Lamaanaha ayaa sidoo kale ku heshiiyay in maalinta xafladda arooska ninku uu martida xafladda uu tuso suuliga ama musqusha cusub ee uu dhisay kadibna ay isguursadaan.
Si kastaba maalinkii xafladda meherka lagu balansanaa inay dhacdo, haweeneydan ayaa soo ogaatay in ninkani uusan kasoo bixin ama fulin balankii ahaa inuu musqul ama suuli u dhiso.
Xubnaha qoyskeeda oo dhan ayaa ayiday go’aankeeda ah inaysan guursanin ninkan.
Qaban-qaabiyayaasha ayaa hadaba arrinta guda-galay si ay u saacidaan haweeneydan caruusadda ah ee niyad-jabtay; waxayna u heleen nin leh suuli ama musqul kaas oo aqbalay inuu xirto dharkii caruuska; kadibna way is guursadeen.
 Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!