crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hooyo isku dishay si wiilkeeda oo buka u helo hannaanka caymiska –kadibna uu qarashka isbitaalka iskaga baxsho! | HimiloNetwork

Hooyo isku dishay si wiilkeeda oo buka u helo hannaanka caymiska –kadibna uu qarashka isbitaalka iskaga baxsho!

Beijing, China (Himilonews) – Hooyo ayaa rabtay inay nafteeda u hurto wiilkeeda, iyada is-dileysa, si wiilkeeda uu ugu noolaado nolol raaxo leh kadib dhimashadeeda.
Hooyadan oo u dhalatay dalka Shiinaha waxay la niyad-jabsaneyd baxnaanada caafimaad ee inankeeda iyo qarash la’aanteeda aysan awoodin inay ka bixiso lacagta jiifka isbitaalka iyo dawadiisa.
Waxay doontay inay ka bixiso lacagta isbitaalka hayeeshe, maysan helin. Sidaas darteed, waxay galabsatay inay is-disho.
Hooyadan ayaa ka tagtay warqad–sheegeysa inay go’aansatay inay is-disho si wiilkeeda uu u heli karo lacagta hannaanka caymiska ee is-dilka laga bixiyo uuna u awoodi karo inuu qarashka isbitaalka iska bixiyo.
“Waan fiicnaan doonaa. Waxaan kugu caawin doonaa inaad hesho lacagta aad u baahan tahay,” ayay ku qortay warqadda.
Waxay naawileysay in inankeedu heli doono lacag dhan 300,000 oo Yuan ah una dhiganta 46,000 oo Dollar. Nasiib-darro, waxay ku dhimatay ogaal la’aan waayo hannaanka ceymiska wuxuu dhacsan yahay ku dhawaad sanad kahor intaysan is-dilin.
Haweeneydan ah 63-jirrad waxay iska soo tuurtay dabaq sagaalaad ee balacoonka uu ku jiray wiilkeeda.
Wiilka ayaa sheegay inuu haleelay cudur uu la tahli karin inuu madaxiisa weecweeciyo iyo simihiisa uu dhaqaajiyo.
Wuxuu u baahan tahay sin gacan ku sameyn ah oo uu ku dhaqaaqo taas oo aad qaali u ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!