crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tuugo markii ay wax dhaceen kadib sawiradoodii soo dhigay baraha internetka kadibna lasoo xiray | HimiloNetwork

Tuugo markii ay wax dhaceen kadib sawiradoodii soo dhigay baraha internetka kadibna lasoo xiray

London, England (Himilonews) – Laba tuug ayaa la xiray kadib markii lagu helay fal-xatooyo kadib markii ay u dhaceen mashiin-lacageedka ATM-ka loo yaqaan oo ay kala baxeen lacag caddaan, sida laga soo xigtay booliska UK.
Hadda, 24-jirka Daniel Mervin William Hutchinson iyo 29-jirka Benjamin James Robinson waa la xukumay kadib markay ku caddaatay falka xatooyo.
Hutchinson waxaa lagu riday in xabsiga ku qaato ku dhawaad saddex sano halka Robinson lagu riday lix bilood oo xabsi ah–iyada oo laga hakiyay laba sano.
Marka loo eego baaritaanka booliska, labadan tuug oo wajiga xirtay ayaa jabsaday mashiinka si ay lacagta ku jirta u qaataan kadib waxay go’aansadeen inay sawirro iska qaadaan lacagta badan ee ay jabsadeen -iyaga oo qoslaya.
Booliska ayaa hadaba daba-galay kadib soo helay baabuurkii ay wateen iyo lacagtii ay dhaceen. Waxay sheegeen in tuugadani ay dhowr fal-danbiyeedyo ku kaceen iyaga oo aan ogeyn shirkadaha ay bartilmaameedsanayaan -iyaga oo kaliya caadeystay dhaca qasnadaha lacagta.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!