crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dugsiyada Spain oo Muslimiinta baraya Qur’anka | HimiloNetwork

Dugsiyada Spain oo Muslimiinta baraya Qur’anka

Madrid, Spain (Himilonews) – Dowladda dalka Spain ayaa ku dhawaaqday qorshe ardayda Muslimiinta ah lagu barayo Qur’anka dugsiyada ay dhigtaan. Hadal lagu qoray warsidaha Express ayaa lagu yiri dugsiyada hoose, dhexe iyo kuwa sare waxaa loo oggolaan doonaa inay helaan casharada ku saabsan caqiidada Islaamka oo ah diinta ugu faafista badan caalamka.
Tani ayaa ah in xilliga la gaaro xisaha diimeed ayrdayda Muslimiinta ah laga soo dhex bixin doono kuwa Kirishtaanka–si ay xisadooda gaarka ah u qaataan.
Cunsuriyiin qaar ayaa tani ku tilmaamay tallaabo qaldan–oo lagu hakiyo galbeedeynta iyo is-dhexgalka.
Tira ku dhow 275,324 oo arday Muslimiin ah ayaa dhigta dugsiyada ku yaalla dalka Spain.
Spain oo magaceedii la oran jiray Andulus, waxay talada Islaamka hoos tiilay muddo ka badan 700 oo sano.
Muslimiinta Spain maanta waxaa lagu qiyaasaa 3.8, marka loo eego UCIDE; halkaas oo 40% ay yihiin Spaanish. Muslimiinta kale ayaa iguna badigood kasoo tallaabay dalka Moroco.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!