crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ma dareentaa qiimaha maamulka?–Qoraa: Abdullahi Hussein Farah | HimiloNetwork

Ma dareentaa qiimaha maamulka?–Qoraa: Abdullahi Hussein Farah

CEELASHA BIYAHA, SOOMAALIYA (Himilonews) – Daraasaad dheer oo ay sameeyeen dadka qabiirka ku ah sida wax loo Maamulo ayaa waxay horey u yiraahdeen Maamulka wanaagsani waa“Nolosha barked”, hase yeeshee anigu waxaanba leeyahay “Noloshuba waa Maamulka”.  Sababtoo ah, Maamulku waa fulinta &hirgelinta Nidaamka u degsan: Qaran ,Hay’ad, Mashruuc, Urur, Qoys ama qeyb kasta oo Bulshada kamid ah.
Teeda kale, Dad ayaa aaminsan in uusan Maamulku ahayn Cilmi la barto oo Iskoolo & Jaamacado looga soo baxo& in qof kastaaba noqon karo Maamule wax wanaajiya .
Akhristoow bal u fiirsoo waxyaabaha fashilaadda & guuldarrada u keena Maamullada & Mashaariicda Qaarkood, waxaan u Dareemi karnaa iney salka ku hayaan tixgelin la’aanta qiimaha Maamulka, Tusaale fiican oo aan wada dareemikarno, waxaa weeye: Haddii aan nahay Bulsho weynta Soomaaliyeed aan dib u milicsanno taariikhaheenna murugada leh ee nasoomarey da’kastoo aan leenahay oo illaa iyo hadda aan faraha kula jirno Maamul xumo & musuq is huganoo is kaalmeysta,  welina aynaan garowsaneyn ama dareensaneyn meesha nalaka hayo oo cudurkeennu kujiro.
Maxaa lagu gartaa maamulaha wanaagsan?
Waxaa is dhaafiya dadka, dawladaha, ururrada. & qoysaskaba waa Maamulka Wanaagsan, Maamulkasta oo hirgaleyna ogoow waxaa kadambeysa Caqli & maskax Habeysay,  markaasna la yaab ma lahan iney dadku dareemaan marka qof loo dhiibo Jago Sare, iyagoo is weydiinaya su’aalahaan:”Qofka aqoontiisa, Kartidiisa & la dhaqanka dadka sida uu kuyahay”,  halka haddeer la is-weydiiyo “Yuuyahay, Xagee kayimid & Diinta kooxdee kataageer sanyahay” Iwm. Waxaana muhiim ah in laga fiiriyo Sifooyinka lagarabo Maamulaha Wanaagsan.
Waa Maxay Astaanta laga rabo Maamulaha wanaagsan..?
Waxaa la sheegay Sifooyin badan, waxaase lama  huraan noqotay in laga helo 3-sifo oo aasaas u ah ku Guuleysiga Maamulka Bulshada & Mashaariicda kala duwan. Waana kuwaan:
  • Waa inuu yaqaanaa Diinta Islaamka & ku dhaqankeeda, waana inuu xariif kuyahay la dhaqanka bulshada, taasoo u suura gelineyso in uu aqoon qoto dheer u yeesho dadka uu hoggaaminaayo & Cilmiga xiriirka aadamiga si uu u garto waxyaabaha dadka kiciya ama dejiya Ama ku xambaara wada shaqeynta & is afgaradka.
  • Waa inuu Karti u leeyahay go’aan ka gaaridda arrimaha kahor imaanaya ,taasina waxay u baahantahay geesinimo & adkeysi.
  • Waa in uu u gudbinkaraa fikradihiisa & talooyinkiisa badadka kale, kuna qancin Karo, waxayna taasi u baahantahay inuu xiriir adag la leeyahay dadka arrimuhu khuseeyaan.
Haddii taariikhaha dib loo raaco waxaa laga heli karaa Hoggaamiyeyaal Badan kuwaasoo ku hungoobey iney ku guuleystaan Maamulidda Bulshadooda, waxaana sabab looga dhigay idilkood ka maqnaanshaha shuruudaha sadexda ah qaarkood, taasoo ah inaan Maamulaha fashilmay uusan aqoon u lahayn Cilmiga xiriir  Aadamiga, waxaana looga jeedaa Xiriirka aadamiga: “Adigu waxaad maamuleysaa dad aad guul ku Hoggaamineyso“, dadkaas oo isugu jira kuwa adiga Madax kuu ah, kuwa aad madax u tahay & kuwa kula siman & dadweyne kala duwan oo ay shaqadu isku kiin xireyso. Haddaba  qormadaani waxay ka hadleysaa siduu Maamuluhu ula dhaqmi lahaa, ulana socon lahaa ama madaxdu ula hawlgelin lahaa dadka uu xukumo & guud ahaan sidii xiriir kaas loo hagaajin lahaa. Haddaba, aqristoow waxaad fikrad wanaagsan ka qaadaneysaa sidaan u barbaarin lahayn kartidaada Hogaaminta dadka, sidaad u gudbin lahayn fikrada haagasan, sidaad u daaweyn lahayd boogahaaga Maamul, & weliba sidaad isaga moosi lahayd ceebaha intaaysan ku ba’san
Maxaad u dooneysaa in aad ku guuleysatid MAAMULKA?
Waxaa la hubaa oo aan shaki ku jirin in aad jeceshay in aad jago sare gaartid, laakiin maxay tahay waxa kugu xambaaraya ama kugu kalifaya in aad uhalgantid gaaridda jago sare…?
Waxyaabaha dadka ku xambaara hamigaas way fara badanyihiin, waxaase ugu muhiimsan sadex waxyaalood: Maal, Magac & Awood,
Qofkasta wuxuu jecelyahay in uu xoolo badan helo, balse xoolo rabidda qofku kuma noqdo Hoggaamiye Guuleysta, waxaana suurta gal ah iney xooluhu hoosaasiyaan ama lagu hodo oo dariiqa saxda ah looga leexiyo.  Markaasna ay dhacdo in uu ka gaabiyo u halgankii ku guuleysiga Maamulka. Waxaa kale oo qofka ku xambaari kara shaqada in uu ku hamiyo aad Magac & maamuus ku yeelatid bulshada dhexdeeda, waana wax jira in dad badan u halgamaan naf & maalbadanna u huraan arrintaas, waxaana la arkaaba iney qabtaan jagooyin aysan u qalmin si ay magac u helaan,  dadka noocaas ah dhaqso ayey u dhacaan dibna uma soo kacaan, uguma soo laabtaan bulshada dhexdeeda, haddii se qofku uu u halgamaayo mabda’a ama wax kaqabasho dhibaato jirta ama hirgelin mashruuc & waxkasta oo ujeeddo aadami nimo ku jirto, dadkuna kagu rabi karo iney tahay arrin istaahisha halgan in loo galo.
Waana middaas midda guusha ku gaarsiisa, waana midda looga baahanyahay in uu ku jahaado maamulaha wanaagsani,  waxkasta oo ay noqoto, ulajeedadaleh: Maal, Magac & Awood.
Waxaa waajib kugu  ah in aad naftaada taqaanid, Sida: Kartidaada, Adkeysigaaga inteey la egyihiin, waxaadna ogaataa marka aad ogaatid dhibaatooyinka kagu horgudban kaligaa ayaa go’aan kagaari kara sidaad uga gudbi lahayd ama uga istaagi lahayd.
Isha: Himilonews.com
Qalinkii: Abdullahi Hussein Farah ‘Jafan-jeef’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!