crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shiinaha iyo Turkiga oo isku qabtay Qadiyad Islaami ah!! | HimiloNetwork

Shiinaha iyo Turkiga oo isku qabtay Qadiyad Islaami ah!!

Qeybtii 1aad;
Muqdisho (Himilonews) – Dibad-baxayaal caraysan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda Istanbul ee Turkiga iyaga oo ka biya-diidsan cuna-qabadka ay dowladda Shiinaha kusoo rogtay gobolka bariga fog ka dhaca Shiinaha ee Ughiary ee tirada yar ee Muslimiinta Shiinaha kaga nool yihiin.
War-qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ayaa lagu yiri; dowladda Turkiga waxay aad uga xun tahay wararka tibaaxaya xurriyad la’aanta lagu hayo Muslimiinta Shiinaha oo loo diiday in soomaan bisha Ramadaan—muujiyaanna hir-galinta waajibkooda Islaamiga ah. Dowladda Turkiga ayaa u yeertay safiirka Shiinaha ka jooga Istanbul si wax looga weydiiyo dhab ahaanta dhibaatada lagu hayo gudaha Muslimiinta Shiinaha.
Dowladda Shiinaha waxay sal iyo baar la’aan ku sheegaysaa in gaboogfallo lagu hayo muwaadiniinteeda Muslimiinta ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha iyada oo uga digtay muwaadiniinteedu inay u safraan Turkiga inta fadqalaladani socoto.
“Kuwa sii daayay warkani waa inay la yimaadan caddeymo qayaxaya eedaymaha la inoo jeediyay. Dowladda Shiinaha waxay si siman u daryeelaysaa Muwaadiniinteeda si ka fog eex iyo garabsi.”
Xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Shiinaha ayaa gilgilad weyni ku yimid tiiyoo dhab ahaanta eedaymaha loo hayo Shiinaha uu caadka ka rogay waraysiyo laga qaaday Muslimiinta ku nool gobolkaas iyaga oo ku tilmaamay mid aadminimada ka dheer waxa Shiinuhu ku hayo gobolkaas.
“Haddii la gaaro xilliga harriimada, shaqaalaha xisbiga Shuyuuciyadda ayaa kugu oranaya; nala cun; haddaad ka diidana sandulle ayay kugu siinayaan,” ayuu yiri mid kamid ah Muslimiinta ku nool gobolkaas oo diiday in magaciisa la xigto sababo nabad-galyo awgeed. Wuxuu intaas kusii daray in xirashada xijaabka iyo sii daysashada garka loo diido, si guud, gaar ahaan xilliyada ay ka shaqeynayaan xarumaha dowladda iyo danta guud.
“Inay Muslimiintu kob kuwada kulmaan oo ay wada sheekaystaan waxay dareen ku dhalisaa dowladda. Marka xilliyada Ciidaha, kolka aan wada tukanno kadib, nin walba gurigiisa ayuu kalinnimo kula wadaagaa farxaddiisa.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!