Muqdisho (Himilonews) – Isaga oo booqanayey macbad Yuhuuddu leedahay oo ku yaalla Roma, Pop Francis wuxuu ka hadlay qalalaasaha, dagaallada iyo fad-qalalka dunida ka jira. Wuxuu sidoo kale xusay wax uu ku sheegay “Saddexda diimood ee isku Ilaahiga ah.”Â
“Dagaalka ninku ku qaado nin kale waa la isku maandhaafsan yahay gaar ahaan saddexda diimood ee samaawiga ah gudahooda–Islamka, Yuhuudda iyo Kirishtaanka. Noloshu waa deeq Ilaahay bixiyo,” ayuu yiri Pope Francis.
“Sanku-neefle kasta, ka uun Ilaahay ahaan, waa walaalkeen–u eegis la’aan xag diin, midab iyo wixii la halmaala,” ayuu sii raaciyey.Â
Towxiidnimadu waa rumeynta hal Ilaah oo aan wadaag laheyn. Marka sidaas loo eego, Pope Francis tani ma wuxuu kala jeedaa Islaamka, Yuhuudda iyo Kirishtaanka hal Ilaah ayay wada caabudaan?!
Kadhiibo aragtidaada.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com