crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Khilaafada Islaamka oo sheegtay inay ka xoreyn doonto Muslimiinta Kashmiir gumeysiga Lo’-caabudada Hinduuga ah | HimiloNetwork

Khilaafada Islaamka oo sheegtay inay ka xoreyn doonto Muslimiinta Kashmiir gumeysiga Lo’-caabudada Hinduuga ah

Muqdisho (Himilonews) – Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ayaa ugu bishaareysay dadka reer Kashmiir inay ka xoreyn doonaan cadawga Lo-caabudada Hinduuga ah–oo ay maqli doonaan bogaadis iyo dhawaqyo beerka u qaboojiya, sida laga soo baahiyay. 
Iyada oo soo xiganaysa 13-ka qodob oo ay kooxdu ku daabacdo wargeyskeeda, Deccan Herald ayaa u qoran sidatan: “Kashmiir iyo dhulalka ku hareeran waxay hoos imaan jireen raayada Islaamka. Balse inyar kadib waxaa rogtay diin-laawayaal, Lo’-caabudada Hinduuga, Shuuciyadda Shiinaha: waxayna Muslimiinta badeen dulli iyo rafaad.”
Waxay sheegeen inay la shaqeyn doonaan mujaahidiinta reer Kashmiir si ay heeryada gumeysi ee Hinduuga iskaga qaadaan–iyaga oo dowladda Bakistan ku sheegay inay gacan-bidixeysay gargaarista walaallada Kashmiir: una garab-Gorayootay ilaashiga danaheeda gaarka ah. 
“Waa fursad weyn inaan dowlad Islaami ah ka yegleelno dhulka Kashmiir–shareecadana aan ku maamulno,” ayay kusoo af-jareen nuxurkooda.
Kashmiir ayaa laba u kala noqotay dowladaha Pakistan iyo Hindiya sanadkii 1947-kii markay xornimada ka wada qaateen  boqortooyada Ingiriiska. Gumeystaha ayaa qaab ismaamul hoosaad gacanta ugu geliyay dalka Hindiya gobolka Kashmiir. Taniyo markaasna, dib looma maqal xoriyad siinta iyo madax-banaanida dhulka Kashmiir. 
Dilal, kufsi iyo barakicin ayay Hinduugu ku hayeen dadka Muslimiinta ah ee Kashmiir. Warbixino badan oo caddeymo sita ayaa muujiyay in xukuumadda Hindiya ay xasuuq Bani’aadanimo ka geysatay dhulka Kashmiir iyo Jammu ee hoos yimaada taladeeda. 
Si kastaba, lama oga sida ay uga falcelin doonaan dhawaaqa kasoo yeeray kooxda ISIS mujaahidiinta xaq-u-dirirka ah ee walaallada Kashmiir. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!