crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Khilaafada Islaamka oo sheegtay inay dib u qabsan doonto Andalus–dalka Spain | HimiloNetwork

Khilaafada Islaamka oo sheegtay inay dib u qabsan doonto Andalus–dalka Spain

Muqdisho (Himilonews) – Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee ISIS ayaa wacad ku martay inay weeraro ku qaadi doontp dalka Spain–iyaga oo ku hal-qabsanaya: Dib ayaynu ugala wareegi doonaa gaalada dhulkeenna.
Kooxdan ayaa kol horaba ku baahisay soohdimaheeda dalalka leh tirada badan ee Muslimiinta bariga dhexe. Waxay sidoo kale sii deyday shax-qariiradeed muujinaysa meelaha ay qabsan doonto sida waqooyiga Afrika iyo qeyb ballaaran oo galbeedka Asiya kamid ah. 

mao

Spain ayaa talada Islaamka hoos tiilay muddo 700 oo sano ah ilaa laga yimid 1492-dii. Waxayna kooxdani  ku darsatay qorshaheeda is-ballaarineed ee geyiga Islaamka marka la gaaro sanadka 2020-ka. 
Weerarkii ugu xumaa ee lagu qaado qaaradda Yurub wuxuu ka dhacay dalka Spain sanadkii 2004-halkaas oo koox mayal-adag ay sheegatay dhimashada 191 qofood. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!