crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Australia–wax badan ka ogow! | HimiloNetwork

Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Australia–wax badan ka ogow!

Muqdisho (Himilonews) – Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Australia waxaa laga sameeyey gobolka Marree ee koofurta Australia sanadkii 1882-dii. 
Sida laga dheehan karo taariikhda, tani waxay ka dhigan tahay waa qarnigii 17aad markii ugu horreysay ee raad Islaam lagu arko dhulka Australia. 

camel camel camw

Sida sawirka idin kaga muuqata, waxaa cad in Muslimiin geel dhaqato ah ay meeshan ku noolaayeen. Ilaa haddana Australia waxaa laga helaa tiro badan oo geel duur-joog ah oo aan la dhaqan balse hadda Soomaalida tagtay ay bilaabeen inay dhaqashadiisa baraan Australian-ka. 
Waxaa kale oo lamala awaali karaa in Muslimiintan durba laga irdheeyey kobtan ay daganaayeen: duunyadoodiina duurka lagu xulay hayeeshe runtu wali lama tiigsan karo. 
Hadda Australia waxaa ku nool tiro badan oo bulsho Muslimiin ah. Waxaana ka jirta dacwad heer sare ah oo faafinta Islaamka ah. Waana Islaamka diinta ugu faafista badan dunida gaar ahaan Australia. 
Muslimiinta Australia ayaa isugu jira hayaanto kasoo jeeda dalalka Islaamka sida: bariga dhexe, Aasiyada Pakistan, Hindiya, Induunisiya, qaaradda Afrika sida Soomaaliya iyo muwaadiniin asal ahaan Australian ah. 
Islaamka ayaa si xowli ah ugu fidaya daafaha dunida. Waana diinta ugu badan dunida marka sax ahaan loo eego. Walow cilmi-baarisyo ay reer Galbeedku soo saareen ay ku sheegaan in Islaamku wali ka yar yahay Kirishtaanka oo uu kaalin labaad kaga jiro tirada diimaha dunida. 
Waxase aysan dafiri karin in Islaamku yimid oo uu doorashada koobaad ee dunida ku socdo lana wareegi doono caalamka oo dhan wax ka yar nus-qarni. 
Waana xalka qura ee ay dunidu maanta u ooman tahay haba lagu sunto ereyo nacabnimo oo lagu suurad-qaldayo indhaha dadyowga aan Muslimiinta aheyn si ay uga joogsadaan. Balse waa xikmadda Eebe midda sheegeysa in wuxuu rabo inuu sarreysiiyo uu badiyo kuwa neceb si ay u bataan kuwa ku qanca oo ugu danbeyn Islaama. 
Si kastaba, raadkani waa mustaqbal fiican oo usoo baxay dadka Australian-ka ah kuwaas oo moodaya in Islaamku yahay diin Afrikada, Carabta iyo Pakistaanta un laga aaminsan yahay oo kaliya. 
Ilaahay wuxuu suuradda Fusilat ku leeyahay: “Waxaan ka tusi doonnaa aayaadkeenna cirifayada iyo gudaha laf ahaantooda ilaa ay uga caddaato in diintani ay xaq tahay. Miyaan Ilaahay ku filneyn inuu wax kasta awoodo?”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!