Muqdisho (Himilonews) – Nin u dhashay dalka Kambodia oo la taahaya koror culeys ku socday wajigiisa waxaa dhacda inuu helo fursadda loogu sameyn karo qalliin kadib laba dalxiisayaal ah oo ol’ole ay deeq ugu raadinayaan ka bilbaabay barta kulanka bulshada ee wajibuug.
Diana Koski iyo seygeeda John Nettleton oo u dhashay dalka Australia ayaa kusoo baxay 34-jirka Vid goor ay dalxiis ku joogeen caasimadda dalka Kambodia ee Phnom Penh toddobaadkii hore.
Vid, oo la rumeysan yahay inuu aha ahoy la’aan aan shaqeysanin, wuxuu la dhashay koboca kusoo kordhay inuu kasoo loodsamo qeybta midig ee foolkiisa kaas oo qariyey wajiga intiisa badan.
“Wuu ina soo agmaray inaga oo hoteelka joogna aad baan runtii ula amakaagnay. Waxaan ku iri seygeyga waa inaan kaalmeyno ninkan,” Ms Koski ayaa u sheegtay Daily Mail Australia.
“Waxaan bilaabay inaan la hadlo hayeeshe, way ku adkeyd waayp maanu garaneyn afka Ingiriiska Dad dhif ah oo deegaanka kamid ah oo arkay ninka ayaa inagu kaalmeeyey inaan is af-garano,”
“Waxaan u sheegay inaan jeclahay inaan isku dayo inaan kaalmeeyo.”
Vid ayaa dib ugu soo laabmay hoteelka Monsoon Boutique oo ay joogeen lamaanuhu halkaas oo maareeye Chan Southun ay iska kaashadeen inay helaan tabta ugu fudud oo ay ku caawin karaan.
“Markii aan lasocday Vid, wuxuu iga danbeeday toddobo tallaabo. Dadku waxay ku dhahayeen orod si fiican ula jaanqaado. Qaar ayaa xittaa isku dayayey inay kahor joogsadaan inuu nala galo hoteelka.”
“Ma dawarsado. Wuxuu kaliya qaadaa jidkiisa. Waxaan maleynayaa inuu helay nolol waaya’aragnimo ugu filan.”
Lamaanuhu waxay fasax ka haleen horfiiqa deegaanka uu Vid ku dhashay oo ah inay qalliin u sameyn karaan hadday awoodaan.
“Vid kama hadlin qoys iyo hadday jirto meel uu ku noolaa. Fasax kamaynan qaadaneen horfiiqa hadday waalidkiisu joogi lahaayeen halkan,” ayay tiri Koski.
“Kolkii aan su’aalay hadduu jecel yahay in qalliin looga sameeyo xaaladdiisa, wuxuu yiri haa si dhaqsa leh. Ma ogi hadduu ka baqan doono aadista dal kale.”
Wuxuu leeyahay dareen lagu maadeysto. Wuxuu yiri laga yaabee gabdhuhu xittaa inay damaaciyaan hadduu helo caafimaad.”
Halka isha midi gee Vid ay gidaaran tahay, sankiisa iyo isha bidixba si fiican ayay ugu adeegtaa garab la’aan.
“Wuxuu yiri kororku madax xanuun iguma keeno ama inaan moodo inuu culus yahay. Balse ma oga wax kala duwanaansho ah,” ayay tiri Koski.
Lamaanuhu waxay barta facebook dhigeen sawiraddiisa durba la kulankiisa iyaga oo weydiinaya aqristayaasha hadday og yihiin qof waaya’arag ku ah qalliimada ama ay jirto jid kale oo lagu caawin karo.
Durba waxaa halhaleel ula so xiriiray ganacsade Perth kaas oo hadda la xiriiraya khabiir ku ruugcad qalliimada casriga ah oo ku sugan Singapore.
Lamaanaha ayaa hadda u darban sugista natiijada kaso baxda warbixin caafimaadeedka Vid.
Hadduu qalliinku suura-gal noqdo kuwa qalliimayana ay is af-gartaan, Koski waxay isku diyaarin doonaan u helidda dalku-marka iyo qarashyada kale ee duullimaadka Vid.
You must log in to post a comment.