crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Seyniska iyo Salaadda | HimiloNetwork

Seyniska iyo Salaadda

Muqdisho (Himilonews) – Sayniska waxa lagu qayaxaa, waa waxqabad aqooneed oo wax ku ool ah, waxqabadkaas oo ka kooban barashada habdhiska iyo dhaqanka dabeecadeed ee shay kasta oo dunida ka jirra. Iyadoo lagu baranayo indho indhayn iyo iyo tijaabin. Saynisku waa aqoon ka dhaxaysa aadamaha oo dhan. Waana aqoontii ay iska soo dhaxleyeen illa nabi aadam csw.
Waxa uu soomaray marxalado kala duwan,waxase uu masaafo aad uwayn jaray markii lasoo gaadhay qarnigii 20 ilaa qarnigii 21 aad. Waxa farabatay furuucdiisa iyo aqybihiisa kal duwan. Waxa lasameeyay baadhitaano farabadan. . illaa ay gaadhay in baadhitaan lagu sameeyay salaada ay muslimiintu tukadaan iyo saamaynta habdhiseed iyo cilminafseed ee ay ku leedahay aadamaha. Qaar kamida daraasaadka waxay baadhitaan ku sameeyeen qaybo kamida salaada ammaba waxyaabaha la xidhiidha sida waysada.Waxa kasoo baxay qaar badan oo kamida baadhitaanadaa la sameeyay, waxyaabo ay rumaysan karriwaayeen dadkii baadhitaanaadaa sameeyay.Salaadu se, waa tiir ka ugu muhiimsan shanta tiir ee Diinta islaamku ku taagan tahay marka laga yimaado shahaadataynka, waa waajib uu Allaah saaray dadka muminiinta ah in ay tukadaan shan jeer habeenkii iyo maalintii. waxa aynu hadaba maqaalkeenan ukala horaysiinaynaa Sida salaadu ukala horayso iyo waxa uu saynisku ka yidhi qaybahaas salaada Intii aan awoodno isha allaah.
WAYSADA IYO FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE KU JIRRA.
Waysadu waxa la xaqiijiyay inay leedahay faaidooyin caafimaad oo fara badan waxa kamida faaidooyinka caafimaad ee waysada:
1. Waysado ma nadiifiso oo kaliya xubnaha muhiimka ah ee jidhka, ee waxay kaloo jilcisaa, qaboojisaa jidhaka. Waxay ka kaxaysaa xanuunka qaybaha jidhka ( antipain) waxay saynisyahandu sheegeen in markasta oo biyaha qabow ay dulamaraan jidhka ay ay lectrolytes karacaan biyaha daadanayaa, taas oo keenta in in daalkii amma xanuunka haya qofka uu kayaraado markasta oo uuwaysaysto. Waana taa sababta marka uu qof daalana waysaysto uu dareemo in uu daalkii ka yaraaday.
2. In la san daarsadaa waxa ay ka hortagtaa jeerrmiska ku jirra sanka. Taasna waxay ka hortagtaa in jeermis badan oo xanuun dhaliyaaal ah ay gaadhi waayaan gudaha jidhka.waxa kaloo ay ka ilaalisaa sanku in uu xidhmo, waxa loo yaqaan( nasal congestion) . daahirida sanka waxay kasaarta meesha dhamaan dareerayaasha sanka, sida ( nasal sticky matter). Daahirinta Sanku waxay kaloo ka caawisaa qofka si loo yareeyo cudurada sida hargabka, xanuunada loo yaqaan (Sinusitis ) iyo caabuqid laabta.
3. Wajiga oo la mayraa waxay ay cusboonaysiin ku samaysaa laayarka sare ee wajiga, iyadoo ka kaxaysa daalka.waxay, ka qayb qaadataa in qofku uu wali u eekaado in uu yaryahay ( face complexion) Markaa uujoogteeyo waysada muddo dheer. Waxa kaloo ay ka yaraysaa saliidaha maqaarka (oily skin). Koritaanka finanka iyo barbaraha maqaarka kasoo baxa.
4. Luqluqashadu waxay muhiim utahay, in meesha laga saaro hadhaaga cuntadii ee uu qofku cunay, taas dhibaatooyin caafimaad ku keeni karta ilkaha. waxaanay meesha ka saarta urta xun iyo xanuundhaliyayaashii ku dhalan lahaa afka.

LASOCO QAYBTA LABAAD

References:
1- Salem, Mukhtar, Prayers: A sport for the soul and body, CAIRO, The Arab Modern Center (1990), pg. 52.
• 2- www.nestle-waters.comEntertainment595- The Best Health Related and Entertaining Site
Waxaa ku deeqay Abdulkareem Ali Boltuur.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!