Muqdisho (Himilonews) – Nin u dhashay dalka Bangladesh oo lagu suntay magaca Nin-geed –kadib kasoo bixista wax qoryo xaabo lamoodo gacmihiisa iyo lugihiisa ayaa laga diiwaaniyey isbitaalka.
Abul Bajandar, oo 25-jir ah, kana soo jeeda gobolka Khulna wuxuu la silcayay cudurka la yiraahdo Epidermodysplasia Verruciformis–kaas oo hido-dhaxaleed dhif dhif ah oo ka dhasha isku dhexyaaca maqaarka 7dii sano ee ugu danbeysay.
Dhaqaatiirta ku sugan Dhaka Medical College and Hospital (DMCH) hadda waxay go’aansan doonaan dawayntiisa kadib iskaashi ay yeesheen waaya’aragto caafimaad.
Dr Samanta Lal Sen, oo horfiiq ka ah machadka qaranka ee gubashada iyo qalliimada casriga ah ee DMCH ayaa ku dhawaaqay go’aankan.
Dhaqaatiirta ayaa maanta ku booqday Bajandar qeybta gubashada ee isbitaalka halkaas oo kol dhow laga diiwaan-geliyay.
Marka loo eego warbixinada gudaha, Dede Koswara oo ahaa Nin-geedkii asalka ahaa kana soo jeeda dalka Induniisiya ayaa maanta dhintay. Tribunnews.com ayaa sheegtay inuu u dhintay isla cudurka uu qabay.
Sanadkii 2008, Discovery Channel ayaa tiraabisay warka xaaladeed ee Koswara. Waxay sheegeen in Koswara uu kusoo laabtay gurigiisa kadib markii laga reebay lix kilo wart oo laga qalay jirkiisa.
Koswara oo ahaa aabo laba caruur dhal ah, wuxuu calaamadahan isku arkay kadib jilibkiisa uu iska jaray isaga oo gaban ah.
Wax yar kadibna waxaa laga joojiyay shaqadiisa kadib markii uu tahli waayay sii wadisteeda. Waqtigaas kadibna waxaa lagu wargaliyay inuu qalliin u baahan doono laba jeer sanadkiiba.
You must log in to post a comment.