Taariikhda Qoran – Dooxadii Mag Ari.

Muqdisho – Soomaalidu Geela wuxuu qarniyo badan usoo ahaa tiir-dhaxaad noloshooda kaalin mug kaga jira. Waxaa la yiri saddex noolaha kale oo dhan fool-xumo ku ah ayaa Geela qurux u ah, waxayna kala yihiin;
Farruurta jeexan.
Kuruska (tuurta).
Habeedda.
Wiil aad ugu bogay udgoonka habeedda geela ayaa ku heesay:
Umul wiiliyo,
Aroos maahide,
Maxaa uunsigu,
Arooryada hore,
Kaaga soo uray?!
Wax-tarka Geela ayaa ayuu u tiro badan yahay – faa’iidadiisa dhaqaale iyo bulshadana lama soo koobi karo. Kaliya uma dhaqan jirin gaadiid ahaan, cad iyo caano, hilb iyo dheef kale. Waxaa laga bixin jiray yarad. Ragga Geela wax-tarkiisa yaqaanna, majecleyn in yarad looga bixiyo naag aan qurux ka sokow ahayn gaari qaayo leh, waxayna ku heesaan;
Naagaan siigaada saafi ka ahayn,
Sarriir dheer iyo salli ka lahayn,
Anna kuma siin, adna kuma samid.
Hadal iyo murti waxay Geela wax-tarkiisa kusoo gunaanadi jireen maah-maahda ah: Geel waa geel, wixii gooyana waa geel.
Balse marka aan u daadego qodob kamid ah kuwa muhiimka ah oo ay Soomaalidu geela u dhaqato waa magta – ama diyada. Dadkii hore waxay waligood magta ku kala qaadan jireen geela, waxaase inta la hubo taarikhda la hayo soo martay hal mar oo ari (riyo) mag ahaan loo kala qaatay. Waxayna ahayd muddo sideed fac laga joogo gobalka Nugaal gaar ahaan degmadiisa Garoowe waxaa dagaal ku dhex maray laba beelood, ragna way iskaga dileen.
Si colaadda loo demiyo waxaa gar iyo dood diyo bixin iskugu soo fariistay wax-garadkiisa labada beelood oo ay kala hoggaaminayaan Shiikh Maxamed Dawac Gaalib oo ka dhashay beesha maanta degta Garoowe iyo Caaqil Siyaad Dheryodhoobe oo isna ka dhashay beesha maanta degta Ceelbuur.
Markii raggii dhintay la isu tirsaday ayaa beeshii Siyaad lagu yeeshay hal qof oo dheeri ah, waxaana mag ahaan loo weydiistay magta ninkii lagu yeeshay, muddo ayaana la kala qaatay.
Maalintii iyo madashii lagu ballamay markii la iskugu yimid ayuu Siyaad goobtii riyo mag ahaan u keenay si uu ugu qaan baxo. Arrintaas waxay la yaab ku noqotay akhyaartii, waxayna Caaqil Siyaad toos u weydiisteen  sida riyo mag u gudaan? Maadaama uu horay uga soo baaraan-degay, jawaabtii Siyaad kuma mergan, wuxuuna caddeeyey in riyuhu geela ka wacan yihiin, isaga oo soo bandhigay sababahan.
Riyuhu laba raggay la wadaagaan:      haarka iyo hareedka
Riyuhu laba naagahay la wadaagaan: labada naas iyo laba jileeca
Riyuhu laba geelay la wadaagaan:      qatinka iyo qaroomaysiga
Riyuhu laba fardahay la wadaagaan:   gooha iyo gurdanka
Riyuhu laba lo’day la wadaagaan:       laba gees iyo labaca
Siyaad wuxuu dooddiisa sii raacsaday in riyuhu xoolaha oo dhan laba laba ay dheer yihiin:
Laba-laako weyska sedan
Laba sano wey ku curtaan
Laba jirna wey kaa seexiyaan
Waxaana markaas kadib hadalkii qaatay Shiikh Maxamed Dwac Gaalib, wuxuuna yiri: “Riyuhu saddex madax midna kama kacaan, saddexdaas sifo darteedna mag laguma bixin karo.”
Madax gu’ hadduu ka raago waa u macluulaan
Meel dheer hadduu ka da’ana socod kuma gaaraan
Hadduu ku dul hoorana way ku le’daan.
Dooddii labada dhinac markii la dhageystay, waxaa xaajadii ugubka ahayd loo saaray xeerbeegti, waxayna go’aamiyeen in Shiikh Maxamed Dawac riyaha mag ahaan u qaato. Iyada oo loo cuskaday in sifooyinka Siyaad riyaha ka bixiyay ay yihiin kuwo garowshiiyo mudan, isla markaana waxaa la aqoonsaday wax-tarka riyuhu leeyihiin. Sidaas ayuuna Shiikh Maxamed riyihii mag ahaan uga guddoomay, balse arrintaas xeerka Soomaalida kuma sii dhex xoogaysan. Waxaana la oran karaa masoo dhaafin goobtii arrintaas ka dhacday oo ilaa maanta loo yaqaan Dooxada mag ari.
Xigasho – radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed Hiraal.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
_____________
Xogta ku wada jirta sheekadan waxaan kasoo xigtay buugga Sooyaalka Soomaalida, xalqada saddexaad 55-60 oo uu qoray qoraaga Abdiqaadir Aroma AUN.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!