Balse marka aan u daadego qodob kamid ah kuwa muhiimka ah oo ay Soomaalidu geela u dhaqato waa magta – ama diyada. Dadkii hore waxay waligood magta ku kala qaadan jireen geela, waxaase inta la hubo taarikhda la hayo soo martay hal mar oo ari (riyo) mag ahaan loo kala qaatay. Waxayna ahayd muddo sideed fac laga joogo gobalka Nugaal gaar ahaan degmadiisa Garoowe waxaa dagaal ku dhex maray laba beelood, ragna way iskaga dileen.
Si colaadda loo demiyo waxaa gar iyo dood diyo bixin iskugu soo fariistay wax-garadkiisa labada beelood oo ay kala hoggaaminayaan Shiikh Maxamed Dawac Gaalib oo ka dhashay beesha maanta degta Garoowe iyo Caaqil Siyaad Dheryodhoobe oo isna ka dhashay beesha maanta degta Ceelbuur.
Markii raggii dhintay la isu tirsaday ayaa beeshii Siyaad lagu yeeshay hal qof oo dheeri ah, waxaana mag ahaan loo weydiistay magta ninkii lagu yeeshay, muddo ayaana la kala qaatay.
Maalintii iyo madashii lagu ballamay markii la iskugu yimid ayuu Siyaad goobtii riyo mag ahaan u keenay si uu ugu qaan baxo. Arrintaas waxay la yaab ku noqotay akhyaartii, waxayna Caaqil Siyaad toos u weydiisteen sida riyo mag u gudaan? Maadaama uu horay uga soo baaraan-degay, jawaabtii Siyaad kuma mergan, wuxuuna caddeeyey in riyuhu geela ka wacan yihiin, isaga oo soo bandhigay sababahan.
Riyuhu laba raggay la wadaagaan: haarka iyo hareedka
Riyuhu laba naagahay la wadaagaan: labada naas iyo laba jileeca
Riyuhu laba geelay la wadaagaan: qatinka iyo qaroomaysiga
Riyuhu laba fardahay la wadaagaan: gooha iyo gurdanka
Riyuhu laba lo’day la wadaagaan: laba gees iyo labaca
Siyaad wuxuu dooddiisa sii raacsaday in riyuhu xoolaha oo dhan laba laba ay dheer yihiin: