crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laba wiil oo wajiga madax-weyne caan ah ku dhacay lacago fara badan! | HimiloNetwork

Laba wiil oo wajiga madax-weyne caan ah ku dhacay lacago fara badan!

Turin (Himilonews) – Laba walaalo ah ayaa adeegsaday wajiga madax-weynaha dhawaan la doortay ee Donald Trump si aan loo garan xilli ay rabeen inay lacag caddaan ah ka xadaan dhowr xarumood oo ATM, marka loo eego booliska dalka Talyaaniga.
Bilayska Turin ayaa sheegay inay xireen 26-jir lagu magacaabo Vittorio Lafor iyo 30-jir lagu magacaabo Ivan Lafor kadib markii kaamirada CCTV ay qabatay dhowr jeer iyaga oo xatooyo ka sameynaya laamaha bangiyada magaalada.
Waxaa lagu riday xukun ah jabsashada bangiyo iyo wax-yeelayn hantiyeed.
Marka loo eego baaritaanka booliska, labada walaalaha ah ayaa wejiyada soo gashaday maaskaro u eg wajiga Donald Trump kahor intaysan gudaha ugu dhaadhicin bangiyada.
Waxay walxaha qarxa ku xireen agagaaraha aaladda ATM-ka ee lacagta lagala baxo. Marka qaraxu burburiyo walxaha ay doonayaan ayay lacagta ka gurubsadaan goobta – wayna baxsadaan.
Booliska ayay la tahay in labada walaalo ay lacago caddaan ah kala baxeen ku dhawaad dhowr iyo 30 xarumood oo ATM.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!