crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 28 July – Maalinta Caalamiga ee Cagaarshowga. | HimiloNetwork

28 July – Maalinta Caalamiga ee Cagaarshowga.

Muqdisho (Himilonetwork) – Maalinta Caalamiga ee Cagaarshowga waxaa la xusaa 28 July sanad kasta si dunida loogu mideeyo kor u qaadista wacyiga la xiriira mushikiladda guud ee cudurka iyo in lagu dhiirr-geliyo is-baddal dhab ah. Waa maalin fursad looga dhigay biirinta dadaallada lagu dhaqan-geliyo mashruuca caafimaadka caalamiga ee WHO ku doonayso xakamaynta cudurkan marka la gaaro sanadka 2021 – iyo in sidoo kale laga caawiyo xubnaha ku jira QM inay ku guuleystaan hadafka ugu danbeeya oo ah – cirib-tir Cagaarshowga.
Qeybo kamid ah dadaallada loogu xiro cirib-tirka cudurkan waa in la dhiso hannaan siyaasadeysan oo lagu hir-geliyo ol’olaha looga soo horjeedo cudurka oo ay bilowday WHO sanadkii 2016.
In la tixraaco dadaallada lidka ku ah Cagaarshowga ee laga wado dalalka la dhiban, iyada la dhiirri-gelinayo falalka aan dowliga ahayn ee rayidka iyo kaalinta dowladaha.
Ku dhawaad 28 dal oo cudurkan ku badan yahay ayay ol’olaha WHO ee halhayska looga dhigay ‘Cirib-tir Cgaarshowga’ ka bixinaysaa warbixinno lagula tacaali karo.
11 dal ayaa ugu badnaan 50% dhibaatada cudurkan ay dadkoodu la nool yihiin. Waana Brazil China, Egypt, India, Indonesia, Mongolia, Myanmar, Nigeria, Pakistan, Uganda iyo Viet Nam, marka loo eego hey’adda WHO.
17 dal ayuu sidoo kale cudurkan si sarreysa uga jiraa kuwaas oo 70% mushkiladda Cagaarshowga dunida la dhiban, WHO ayaa intaas kusii dartay. Waxayna kala yihiin; Cambodia, Cameroon, Colombia, Ethiopia, Georgia, Kyrgyzstan, Morocco, Nepal, Peru, Philippines, Sierra Leone, South Africa, Tanzania, Thailand, Ukraine, Uzbekistan iyo Zimbabwe.
Farriimaha wax-galka u ah Maalinta Caalamiga ee Cagaarshowga ayay tahay in loogu fiirsado si foojigan.
Fayraska cudurka waa dhibaato caafimaad oo caalami una baahan fal-celin degdeg ah. Dabayaaqadii 2015, waxaa jiray celcelis ahaan 325 malyuun oo la nool cudurkan.
Dunida ahaan, tiro lagu qiyaasay 257 malyuun ayaa la noolaa nuuca ama caabuqa Cagaarshowga loo yaqaan hepatitis B (HBV) – 71 malyuun oo kalana waxay la noolaayeen  hepatitis C (HCV) sanadkii 2015.
In kooban oo kamid ah kuwa la dhiban cudurkan ayaa helay baaritaan iyo baxnaano gaar ahaan dadyowga ku sugan dalalka liita dakhli ahaan ama kuwa dabaqada heerka dhexe ku nool.
Bartilmaameedka caalamiga ee sanadka 2030 ayaa ah in 90% dadka la xanuunsan cudurkan ay helaan baaritaanno – iyo 80% bukaannada lala gaaro dawayn dhamaystiran.
Fayraska cudurkan wuxuu galabsaday nolosha 1.34 malyuun oo qof sanadkii 2015 – taas oo lala barbar-dhigi karo dadka u dhinta cudurka lagu naanayso jirada saboolka ee Qaaxada kana tiro badan kuwa u geeriyooda cudurka dilaaga ah ee HIV. Nasiib-darro dhimashada cudurkan way sii kordhaysaa. Nuucyada kale ee infection Cagaarshowga ka dhashay ah ayaa soo baxaya – ugu badnaan Hepatatis C sida ay tiri WHO. Ku guuleysiga hadafka cirib-tirka Cagaarshowga sanadka 2030 ma ahan mala’awaal iyo yididiilo. Warbixinnada laga helayo 28-ka dal ee ugu badan dhibanayaasha cudurkan ayaa muujinaya in saadaashu wacan tahay.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!