Sign in Welcome! Log into your account your username your password Forgot your password? Get help Password recovery Recover your password your email A password will be e-mailed to you. HomeLa-yaabkaNinka ugu cidiyaha dheer dunida! La-yaabka Ninka ugu cidiyaha dheer dunida! By Zakariya November 24, 2015 0 19 Share FacebookXPinterestWhatsApp New Delhi, Hindiya (Himilonews) – Ninka aan cidiyihiisa jarin taniyo 1952 ayaa loo aqoonsaday ninka ugu cidiyaha dheer caalamka. Shridhar Chillal ayaa rasmi ahaan u heysta rikoorka cidiyo dheernimo ee dunida. Celcelis ahaan dhirirka cidiyihiisa ayaa gaaraya 909.6 cm. Cidida suulkiisa oo qura ayaa laba mitir wax sii dheer. 78-jirkan ayaa ku faraxsan halgankiisa uu ku galay buugga dhacdooyinka caalamka ee World Genius Record. Hayeeshe, wuxuu tirsanayaa dhib-yari gaar ahaan xilligii dhalinyaranimadiisa. “Markii aan rabay inaan guursado, qofna diyaar uma aheyn guurkayga. Waxaan haasaawe wadaagnay wax ka badan 12–gabdhood,” ayuu yiri. “Hadday gabadhuhu i ogolaadaan waxaa diidi jiray waalidka. Hadduu waalidku ila doonana waxaa i diidi jiray gabdhaha iyaga oo i dhahaya; waxaa tahay wax laga naxo.” Sal ahaan, dhibaatooyin ayaa kusoo wajahay doc kasta oo noloshiisa kamid ah. Qoyskiisu marna lama aysan dhacsaneyn inuu sidaan noloshiisa ku qaato. Qofna diyaar uma aheyn xitaa inuu kaalmo weydiisto. “Xittaa dharkayga anigaa dhaqan jiray,” ayuu yiri. Helidda shaqo ayaa sidoo kale ku adkeyd maadaama qofna uusan la dhacsaneyn inuu shaqaaleysiiyo. Mahad-naq ayaase uga sugnaatay hal-adeygnimadiisa. Ugu danbeyn wuu gaaray yoolkiisa. Wuxuu rikoor ku galay cidiyihiisa korayay taniyo caruurnimadiisa. “Waan uga sheekeyn karaa hadda qof kasta inaan ahay rikoor-hayaha cusub ee cidiya-dheerida caalamka,” ayuu yiri. “Markii aan socdaalayo, dadku way ii garanayaan inaan ahay rikoor-hayaha World Genius Record.” Isha: Himilonews.com Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com Share FacebookXPinterestWhatsApp Previous articleDaawo sawirada: Arday Soomaaliyeed oo ka qalin-jabisay UgandaNext articleMadaxweynaha Bolivia oo Israel ku tilmaamay dal argagaxiso Zakariya RELATED ARTICLES La-yaabka Haweeney Ninkeeda isaga furaysa inuu ka qariyay Bidaar uu leeyahay! June 2, 2026 La-yaabka Shaqo la’aan darteed wuxuu go’aansaday inuu xabsi galo si uu u noolaado! June 2, 2026 La-yaabka Daawo – Nin Eeygiisa u tababaray inuu Qashinka ku daadiyo jidadka oo la xiray! June 2, 2026 LEAVE A REPLY Cancel replyLog in to leave a comment Most Popular La kulan: Halyayga Cuntada la nacay ee Maqaayadaha u geeya Darbi-jiifta iyo Danyarta si ay uga noolaadaan! June 11, 2026 Mashruuca Danwadaag: Guriga Waayeelka iyo Dhalinyaradu isku dhaafsadaan Duruufaha Nolosha June 11, 2026 “Iska siib Xijaabka aan Dawo ku siinnee.” – Muslimad Dawo loogu diiday Xijaabkeeda dartiis! June 11, 2026 Muslimka 7 bilood Xabsi ugu jiray kaliya inuu yiri: ‘Wan jeclahay Nabi Muxamed NNKH.’ June 11, 2026 Load more Recent Comments