crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Daawo sawirada: Arday Soomaaliyeed oo ka qalin-jabisay Uganda | HimiloNetwork

Daawo sawirada: Arday Soomaaliyeed oo ka qalin-jabisay Uganda

Kampala, Uganda (Himilonews) – Tira arday Soomaaliyeed ah ayaa shalay ka qalin-jabisay jaamacadda Cavendish ee dalka Ugandha—kuwaas oo isugu jira kulliyadaha kala duwan ee laga barto jaamacadda.
Kadib sanado xiriir ah oo ay marqaatiyada Degree-ga iyo Magistrate-ka ka diyaarinayeen jaamacadda, arday badan sida Abdullahi Omar Cazaam, waxay albaab cusub u fureen mustaqbalka noloshooda. Waxayna qaadanayaan waqti reynreyn badan.
“Farxadayda lama soo koobi karo. Waxaa mahad iska leh Eebe weyne. Maanta baal cusub ayaan inoo wada furmay,” ayuu u sheegay Himilonews.com Cazaam oo dabayaaqada sanadkii 2012 kamid noqday ardayda wax ka dhigata jaamacadaha ku yaalla dalka Uganda.
“Waxaa kale oo baal cusub u furmay bulshadayda Soomaaliyeed kuwaas oo aan rajeynayo inaan aqoonteyda uga faa’iideeyo,” ayuu sii raaciyay.
Cazaam waa mid kamid ah tiro ardayda oo kamid noqday dufcaddii shanaad ee ka qalin-jabisay jaamacadda Cavendish taas oo la aas’aasay sanadkii 2008-da. Jeer iyo waagaas, in-ku-dhow 700 oo arday ah ayaa ka qalin-jabisay halkaas oo sanad kasta arday Soomaaliyeed oo Cazaam oo kale ah ay kamid noqdaan guuleystayaasha.
Hormuudka jaamacadda ayaa hanbalyo u diray ardayda Soomaaliyeed ee jaamacaddiisa ka qalin-jabiyay—isaga oo ku tilmaamay hal-doorro kaalin muuqata ku lahaa howlgalka iyo hadafka jaamacadda.
Si taas lamid ah, Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ayaa bogaadisay qalin-jabinta ardayda iyaga oo ku tilmaamay kuwo waqti dheer kadib hantiyay guul aan kaliya wax ka badali doonin noloshooda balse is-badal ku sameyn doonta dalkii hooyo.
Kadib qalin-jabinta, arday walba wuxuu qaadi doonaa wadadiisa. Ku laabashada dhulkii hooyo waa xulashada koobaad ee qof kasta uu jecel yahay. Halka qaar inay dibadaha ka shaqeystaan ay niyadoodu tahay.
Abshir Cabdirahman Cali wuxuu jeclaan lahaa inuu mar un arko is-badal u suura-galiya inuu bulshadiisa uga faa’iideeyo aqoonta uu soo bartay. Balse uu wali tabayo inuu waaya’argnimo badan kusii qaato halkan inta dalku uu kagalayo doorashada 2016-ka.
“Ku laabashada dalkayga waa muhiim. Hayeeshe, waxaan u baahanahay waqti fiican inaan ku beegmo,” ayuu yiri Abshir. “Waaya’aragnimadu waxay noqon doontaa casharka ugu fiican ee aan wax ku badali karno aniga iyo asxaabtayda.”
Kampala—oo ah caasimadda Uganda—waa erey Carbeed ku baxay saameyntii Carabtu ku yeelatay geeska Afrika. Waxaana ku nool Soomaali  badan oo isugu jirta ardayda, qaxooti iyo ganacsato.
Ardayda Soomaaliyeed ayaa sanadihii dhawaa bar-tilmaameed ka dhigtay jaamacadaha ku yaalla dalka Uganda. Waxaana sanad kasta ka qalin-jabiya arday badan oo ka kala yimid dhulka Soomaalida. Berigii hore ardayda Soomaaliyeed ayaa wax-barashada dibadaha badi u aadi jiray dalalka Suudaan, Masar iyo Sucuudiga.
Hadda oo ay kasoo jeesteen socdaalkii adkaa wax-barashadooda, Cazaam iyo asxaabtiisu waxay ku biiri doonaan kumaakunka aqoon-yahan ee dalka u soo baxa kuwaas oo kaalin muuqata ku yeelan doona horumarka iyo ilbaxnimada jiilka cusub ee Soomaaliya.
“Waxaynu la iman doonaa fikir iyo fal-gelin cusub si aan u aragno wixii aynu soo baranay oo bulshada wax u tara,” ayuu yiri Sharma’arke Warsame isaga oo si mid ah ula fadhiya jaallayasha kulliyada ay is kala qalin-jabiyeen sida Mohamed Abukar, Ali Osman iyo Abdikarim.
“Waa inaynu muujinaa kaalinta ay dhalinta wax-baratay ku yeelan karaan hoggaanka iyo horumarka dalkeenna.”
Hoos ka daawo sawirada laga soo qaaday ardayda qalin-jabisay iyo kanbalka jaamacadda.
12 13 14 11 12 15  
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!