crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin isku dhex-daldalay guriga Sodohdiisa! | HimiloNetwork

Nin isku dhex-daldalay guriga Sodohdiisa!

Nairobi, Kenya – Nin 28-jir ah ayaa shalay isku daldalay deegaanka Siaya ee Kenya kadib muran ka dhashay xeer-hoosaadka qoyska.

Moses Otieno ayaa meydkiisa lagu arkay isaga oo kasoo laalaada geed ku dhex-yaala guriga sodohdiisa.

Marka loo fiiro daganayaasha Siaya, Otieno iyo ooridiisa ayaa dhawaanahan is-maandhaaf ku dhex qaadanayey guurkooda cusub.

“Tani ma ahan markii ugu horreysay ee haweeney kasoo carootay ninkeeda uu ka daba yimaado kadibna isku dhex daldalo guriga sodohdiisa. Dhaqan ahaan waa sax inay tani dhacdo,” ayuu  yiri.

Horfiiqa tuulada Thomas Ojero ayaa sheegay in lamaanuhu ay muransanaayeen sabtidii taas oo sababtay inay inantu guriga hooyadeed kasoo  aado.

Horfiiqu wuxuu sii tilmaamay in seygu uu soo daba-raacay ooridiisa si uu uga dhaadhiciyo inay guriga kuwada laabtaan.

Markii ay ka caga-jiiday amarkiisa ayuu Otieno isku dhex-daldalay guriga sodohdiisa.

Tani ayaa hadaba ah dhaqan ka jira qowmiyadda Luo taas oo ah in ninku uu falkan oo kale ku hor sameyn karo xididkiisa.

Meydadka Otieno ayaa loo qaaday qolka meydadka ee kountiga Siaya ee dalkaasi Kenya.

Isha: Himilonews.com

Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!