Haween kufsi ka cabanaya oo qaawanaan ku ban-baxay
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
November 18, 2015
608 Views
Brazil, Brazil – Boqollaal haween is-qaawiyay oo kasoo horjeeda kufsiga iyo fad-qalalada ka dhanka dumarka ayaa socod ku maray waddooyinka Rio de Janeiro ee dalka Brazil.
Haweenkan banneeyey qeybaha kore ee jirkooda ayaa hal-ku-dhigyo ka dhan ah kufsiga ku qoray xubanaha il-qabadka ah ee oogada.
Dhacdadan oo fariin xooggan siday waxaa taageeray ururada rayidka ah ee Brazil.
Dibad-baxayaasha ayaa hadafkooda koobaad ka dhigay inay ka dhiidhiyaan eedeymaha sheegaya in–kufsiga iyo weerarada lagu hayo–ay yihiin natiijo ka dhalatay qaabka ay u labistaan ama ay u dhaqmaan.
Waxaa kale oo ay kasoo hor-jeedeen dastuurka qabyada ah ee jideynaya ilma-ridista–kaas oo ay ku sheegeen inuu fursad muuqato siinayo kuwa kufsiga ku haya haddii la ansixiyo.
Stephanie Ruas, oo 26-jir ah, waxay tiri: “Waxaynu meel kasta kala kulmeyna weeraro–gabar da’yar ahaan– dugsiyada, goobaha shaqada–Tani waa dhaqan ka jira halkan,”
“Brazil waa mid kamid ah goobaha ugu halista badan ee haweeneydu kalinimo ku socdaali karto. Mana jirto waddo aan ka aheyn socdaal oo u furan da’yar aniga oo kale ah.”
Dibad-baxyada ayaa tilmaamay in labadii saac ee kasta gudaha Brazil lagu dilo gabar. Taas oo ka dhigtay wadanka shanaad ee ugu halista badan haweeney inay ku noolaato.
Indara Costa, oo 18-jir ah, waxay tiri: “Ragga ku nool Brazil waxay noo arkaan bullaacad. Hayeeshe, waa xaq aynu leenahay inaan jirkeenna ka sameysano sidaan doonno–dhibaateyn la’aan.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-11-18
You must log in to post a comment.