crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sahankii xaqiiqo-raadiska Xildhibaanada u rumoobay | HimiloNetwork

Sahankii xaqiiqo-raadiska Xildhibaanada u rumoobay

Muqdisho – Guddi xaqiiqa raadis ah oo ka tirsan Golaha Shacbiga Qaranka oo ay dowladdu u dirtay xadka dalku la wadaago Kenya ayaa indhahooda kusoo arkay–wax ay ku tilmaameen caadyaal aan cidi sacabada ku dadi karin.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah madaxda guddigii u kacay soohdinta dalku la wadaago Kenya oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa caddeeyey in Kenya ay si muuqata ugu xad-gudubtay dhulka Jmahuuriyadda Soomaaliya–iyada oo xittaa xad beenaadkii uu Isticmaarku dhex dhigay labada wadan ay in-badan kasoo durugtay.

“Ishaa noo macalin ah. Kenya mar labaad waxaan u sheegeynaa inaysan fududeysan madax-banaanida dalnimo ee Soomaaliya,” ayaa laga soo xigtay mid kamid guddiga xaqiiqo-raadinta. “Haddii kale waxaad ka heshaan waxba ha inaga siinina.”

Tiiyoo guddigan uu indhihiisa kusoo arkay xad-gudubka, maamulka Jubba Land ee Axmed Madoobe wuxuu difaacay Kenya–isaga oo ku tilmaamay dal ay ka dhaxeyso wada shaqeyn ka dhan ah la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagaxisada–oo aysan damac ka laheyn dhul Soomaaliyeed iyo ka ganacsiga dhuxusha oo fadeexad hor leh kusoo furtay ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga kuwaas oo la sheegay inay dardar-galin iyo doorba ku leeyihiin ganacsigeeda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa madaxa lagalaysa xaalado is-diidan oo halis ku ah madax-banaanideeda. Kaliya waqti unbaa caddeyn doona halka uu sal-dhigto muran xuduudeedka cusub ee halgaadaya xoriyadda Soomaaliya.

Isha: Himilonews.com

Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!