crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wuxuu u baxay Cabasho laakiin wuxuu noqday Muslim. | HimiloNetwork

Wuxuu u baxay Cabasho laakiin wuxuu noqday Muslim.

MUQDISHO (HN)– Hussin Goss, wuxuu u dabaaldegayay farxadda maalinta weyn ee Ciidda markii ay cabasho uga timid nin waayeel ah oo ka sheeganaya qeylada yeermada kasoo baxaysa Masjidka.

Ninkan waayeelka ah oo kasoo baxay meel dadka duqowshaha lagu karantiilo oo Masjidka u dhow, waxaa markiiba soo dhaweeyey Hussin oo cunto iyo cabitaan ku marti-qaaday. Waxyar kadibna waxay sii gud-galeen waxyaalo ku saabsan diinta Islaamka.

In yar kadibna – Subxanallah – ninkan ayaa qaatay diinta Islaamka. Waxaana shahaadada loo qabtay maalintii koowaad ee Ciidda.

Hussin Goss, wuxuu hoggaan u ahaa Guddiga Bulshada Gold Coast’s Muslim muddo 29 sannadood ah.

Degmada ay ku nool yihiin waxaa Muslimiin ka ah dad gaaraya 10,000 kuwaas oo 1200 oo kamid ah ay salaadaha Jamaacada ku oogaan gudaha Masjidka.

Goss wuxuu sidoo kale bartiisa Instagram-ka soo dhigay muuqaalka nin kale oo shahaadada uu u qabanayo habeenkii bisha Ramadan ay ku beegneyd 27.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!