MUQDISHO (HN) — Fogaan dhan 6.600-kilometer ayuu uga soo safray si uu u yimaado magaalada Makka, Enver Beganovic wuxuu hadda joogaa oo uu soo gaaray Kirkuk oo ah magaalo ku taalla dalka Ciraaq.
Wuxuu waddan walba oo uu marayay ku qaadanayay calankiisa. 52 jirkan ayaa kumaankun meyl soo jaray wuxuu soo maray 10 dal, sida ay kusoo warrantay Anadolu Agency. Dalalka ay kamid yihiin Slovakia, Croatia, Bosnia iyo Herzegovina, Serbia, Kosovo, Macedonia, Greece iyoTurkey ayuu soo maray.
Wuxuu kasoo tagay dalka Austria oo uu dhalashadiisa heysto.
“Lama kulmin wax dhib ah waxaana helayay dad kaalmo ii sameeya marwalba oo aan u baahdo,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay inuu doonayo ajar iyo samaan badan inuu ka helo socodkiisa lugta ah oo uu ku tagayo magaaladda Makka.
You must log in to post a comment.