LONDON (HN) — Islaamka wuxuu siiyaa xaqdhowr ballaaran deriska ama jaarka, waxaana lagu booriyaa Muslimiinta inay si fiican ula dhaqmaan deriskooda.
Xaafadda West Yorkshire ee magaalada Leeds, masjid kamid ah masaajidda magaalada ayaa qaadaya tallaab wax-ku-ool ah oo la xiriirta dulqaadka iyo deris wanaagga kaddib markii ay ol’ole nadaafadeed ka sameeyeen kaniisad jaar la ah Masjidka.
Kooxdan oo kamid ah Abu Huraira Mosque ayaa isku taagay nadaafadda gebi ahaan hareeraha kaniisadda iyo afaafkeeda.
In kasta oo sida qorshuhu yahay ay kaniisaddani iib noqon doonto goor dhow, haddana Muslimiinta Leeds ayaa go’aansaday inay ku ilaaliyaan bilic iyo qurux inta malaha laga helayo dad iibsada.
Waxaa xusid mudan in kaniisaddani ay bar xusuuseed u tahay dagaalladii uu Ingiriis soo galay, waxaana maadaama aan in badan lagu dhex cibaadeysan gudaheeda ay keensatay in qashinku iskugu habarwacdo.
Fulinta ol’olaha, Noor Zaman oo horboodaya ayaa yiri: “Waa waajib ay diimaha samaawiga ahi kawada simeen dadka raacsan inay ilaaliyaan xaqa ay derisku isku leeyihiin.”
You must log in to post a comment.