crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Youtuber British ah oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Youtuber British ah oo qaatay diinta Islaamka.

LONDON (HN) — YouTuber British da’yar ah oo markii hore isku sheegi jiray inuu yahay Alle-diid ama Mulxid ayaa qaatay diinta Islaamka – kaddib dadaal badan oo uu ku bixiyay baaris la xiriirta nolosha iyo diinta.

Jay Palfrey ayaa bartiisa soo dhigay muuqaal uu ku dhex ashahaadanayo gudaha Masjid ku yaalla Turkiga. Wuxuuna aqrinayaa kalmadda Towxiidka.

Taniyo sannadkii 2017-ka, Jay ayaa socdaallo kala duwan ku marayay dhowr dal oo Muslim ah iyo kuwo aan ahayn intaba si uu uga helo waaya’aragnimadooda dhaqanka, caqiidada, nolosha iyo degaanka.

Wuxuu – intii uu ku guda-jiray safarkiisa – kusoo gudbiyay muuqaallada dhabta ah ee ka jira kuwaas oo si qaldan ay u baahin jireen warbaahinta Galbeedka.

“Marwalba oo aan safraba, waxaan heli jiray xaqiiqda diinta Islaamka,” ayuu yiri.

Wuxuu qiray in qalad weyn laga fahmay Muslimiinta iyo Islaamka loona arkay kuwo aan lasoo dhaweysan karin.

Waxaase uu balanqaaday inuu sii wadayo socdaalkiisa si inta karaankiisa ah uu u baahiyo micnaha dhabta ah ee Islaamku ku dhisan yahay oo ah nabad, jaceyl iyo dulqaad.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!