crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Youtuber South African ah oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Youtuber South African ah oo qaatay diinta Islaamka.

SEOUL (HN) — Kaddib laba sanno oo baaris ah, Youtuber South African ah balse saldhigiisu yahay Koofur Kuuriya ayaa qaatay diinta Islaamka.

“Waxay igu qaadatay laba sanno inaan baaro oo aan raadguro micnaha xeesha dheer oo Islaamku u taagan yahay,” ayuu yiri  Lwazi Sbu Lalendle.

“Waxaan gaaray go’aan ku yimid rabitaankayga; waana ku faraxsanahay inaan maanta kamid ahay qoyska ballaaran ee Muslimiinta.”

In yar kaddib markii kalmadda Tawxiidka loogu qabtay gudaha Ansan Masjid & Islamic Center, Lwazi ayaa sheegay inuu dareemayo xasilooni ruuxi ah.

“Islaamku wuxuu u taagan yahay bani-aadnimo iyo jaceyl. Waxaana halgan adag ku bixin doonaa inaan dunida ugu yeero iftiinka iyo raaxada Islaamka.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!