HomeWararkaLa kulan - Da'yarka loo yaqaan Boqorka Warbixinnada Jarmalka.

La kulan – Da’yarka loo yaqaan Boqorka Warbixinnada Jarmalka.

MUQDISHO (HN) – 18 jirka Niclas Matthei waxaa dalka Jarmalka looga yaqaan Boqorka Warbixinnada sababta oo ah wuxuu kumaankun qof oo si qaldan u dhigta baabuurta uga warbixiyay booliska.

Dhammaan geesiyaashu ma xirtaan koofiyadaha geesinimada. Qaar waxay xirtaan dhar shaqo oo cagaar dhalaalaya ah, waxayna baaskiil ku dhex maraan waddooyinka mashquulka badan iyaga oo ugaarsanaya dadka sida sharci-darrada ah u dhigta baabuurta kadibna booliiska ayay u gudbiyaan. Waana hiwaayad iyo shaqo ay u arkaan inay tahay waxa saxda ah.

Nicolas oo ah wiil dhalinyaro ah kana soo jeeda gobolka Saxony-Anhalt ayaa markii ugu horreysay caan ka noqday guud ahaan Jarmalka horraantii sannadkan markii warbaahinno waaweyn ay wax ka qoreen hiwaayaddiisa aan caadiga ahayn. Wuxuu baaskiil ku wareegaa magaalada kana qaadaa sawirro baabuurta si khaldan loo dhigay, kadibna caddeymaha ayuu u diraa booliiska deegaanka.

Wuxuu isku magacaabay Anzeigenhauptmeister oo micnaheedu yahay Madaxa Warbixinnada wuxuuna sheegay inuu gudanayo waajibaadkiisa muwaadinnimo.

Inkasta oo uu jiro 18 sano oo keliya, Nicolas wuxuu si fiican u yaqaannaa dhammaan xeerarka baarkinka ee Jarmalka. Sidaas darteed, marka uu arko baabuur si sharci-darro ah loo dhigay intii uu ku jiray wareeggiisa maalinlaha ah, isla markiiba wuu garanayaa.

Isaga oo sita taleefankiisa gacanta, wuxuu sawirro ka qaadaa baabuurta xad-gudubka sameeya kadibna wuxuu sawirrada u diraa booliiska si ganaax loogu soo rogo.

Sida uu isagu sheegay, sannadkii hore wuxuu qoray in ka badan 4,000 warbixin oo booliis oo keentay in guud ahaan dalka laga ururiyo ganaaxyo gaaraya 140,995 euro (qiyaastii 154,227 doollar).

Inta badan dadka uu soo sheegi jiray waxay ku sugnaayeen gobolka Saxony-Anhalt, laakiin markii caannimadiisu kor u kacday kadib, wuxuu go’aansaday inuu howshiisa ka fuliyo dalka oo dhan.

Sida la qiyaasi karo, Nicolas aad uma jecla dadka baabuurta wada. Marar badan dadaalladiisa waxaa lagaga jawaabay rabshado iyo xitaa weerarro jireed, laakiin taasi kama aysan leexin himiladiisa.

Wuxuu sheegay in waxa keliya oo uu doonayo ay tahay in la ixtiraamo xeerarka baarkinka, dadka jebiyana la ciqaabo. Hanjabaaduhu ma cabsi geliyaan! Xattaa mararka qaarkood haddii wejiga lagu dhufto wuxuu leeyahay taas ayaa isii xoojisa.

“Waxa keliya oo aan doonayo waa in la dhaqan-geliyo xeerarka gaadiidka waddooyinka, sababta oo ah dadka qaar waxay u maleynayaan inay baabuurta dhigtaan meel kasta oo ay doonaan,” ayuu Nicolas Matthei u sheegay wargeyska Jarmalka ee Der Spiegel. “Laakiin markaas waxaa yimaada dad aniga oo kale ah.”

Boqorka Warbixinnada oo ah sida uu jecel yahay inuu isku magacaabo marka uu booliiska la hadlayo, wuxuu helay falcelinno kala duwan oo ka yimid shacabka Jarmalka. Dad qaar ayaa ku ammaanay inuu soo sheego xad-gudubyada baarkinka oo booliisku mararka qaar iska indho-tiro, halka qaar kalena ay ku tilmaameen qof dadka dusha ka sheega oo dagaal kula jira wadayaasha baabuurta kuwaas oo mararka qaarkood aan helin meel bannaan oo ay gaadiidkooda dhigtaan.

Xitaa duqa magaalada Gräfenhainichen ayaa dhaleeceeyay wiilka dhalinyarada ah, isaga oo sheegay in warbixinadiisa tirada badan ay culays ku yihiin maamulka deegaanka isla markaana ay carqaladeynayaan shaqadooda.

Waxa xiiso leh hooyada Nicolas si weyn uma taageerto shaqadiisa. Waxay wariyeyaasha u sheegtay in wiilkeeda lagu dhibaateyn jiray iskuulka, isla markaana dadka si khaldan u dhigta baabuurta uu hadda uga warbixiyo ay u muuqato nooc kamid ah aargoosi.

Niclas ayaa taas kaga jawaabay isagoo yiri: ‘Waxay sheegeysaa inaanan fahmin waxa aan sameynayo. Taas waa khalad. Anigu waan aqbalay. Noloshu waa khatar,” ayuu u sheegay RTL.

“Waxaan si ula kac ah u go’aansaday inaan iskuulka ka noqdo qof wax sheega si aan uga warbixiyo waxyaabaha qaldan.”

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments