crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Obama oo markii ugu horreysay booqanaya Masjid ku yaalla Maraykanka | HimiloNetwork

Obama oo markii ugu horreysay booqanaya Masjid ku yaalla Maraykanka

Muqdisho (Himilonews) – Muslimiinta ku nool Maraykanka ayaa soo dhaweeyey dhawaqa ah in madaxweynaha Obama uu booqashadii koobaad ee rasmi ah uu ku sameyn doono Masjid kamid ah Masaajidda ku yaalla USA.
Sanadka ugu danbeeya madaxtinimadiisa, madaxweyne Barack Obama wuxuu booqan doona Xarunta Bulshada Islaamka ee Baltimore maalinta Arbacada ah, marka loo eego Aqalka Cad. 
“Anaga oo ku sugan xarunta bulshada Islaamka ee Baltimore waxaa sharaf weyn inoo ah inaan soo dhaweyno madaxweyne Obama,” Maqbool Patel, madaxa xarunta ayaa u sheegay fogaan-aragga al-Jazeera. 
“Xarunteennu waa xarumo-urureedka ugu weyn gudaha Maraykanka halkaas oo kumaakun qoysas USA ah ay nagu xiran yihiin.”
Booqashada ayaa kusoo aadeysa xilli naceybku uu kusii fidayo gudaha Maraykanka ee ka dhanka ah Muslimiinta. 
Ibrahim Hooper oo kamid ah ururka CAIR ayaa yiri: ” Waxaynu aad u riyaaqsannahay in Obama uu nagu soo booqanayo Masjidkeenna. Tani waa codsi muddo badan aan ka naawileyney hirgalintiisa.”
Muslimiinta ku nool Maraykanka ayaa lagu sheegaa wax ka badan 15-malyuun. Balse dowladda ayaa tiradaas saddex jibaar hoos uga dagta markay tirakoobeyso muggooda. Dowladda Maraykanka ayaa tilmaantay in wax ka yar shan malyuun oo Muslimiin ah ay ku nool yihiin gudihiisa. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!