La kulan Ninka Gaari ku shaqeynaya Cadceedda ku safray fogaan ka badan 3000 km
Posted by: Zakariya
in Wararka
February 2, 2016
602 Views

Muqdisho (Himilonews) – Dalka Hindiya ayaa kamid ah dalalka ugu badan tirada dadyowga dunida. 13 magaalo oo kamid ah dalka Hindiya waa magaalooyinka ugu bulshada badan. Kadib la daala-dhicista gaaska badan ee ay sii daayaan baabuurka Delhi, waxaa dhacday dhimis lagu sameeyey tirada baabuurka shacabka. Balse taasi in badan kuma filna hawada sii wasaqoobeysa.
Balse marka ay aqrino sheekada 63-jirka Muslimka ah ee Syed Sajjan Ahmed, Hindiya waxay wali naawili kartaa inay hesho kacaan cusub oo tamarta lagu dhalin karo. Syed oo sameeyey gaari ku shaqeynaya cadceedda ‘Solar energy’ wuxuu dhawaan socdaal ku qaatay in kabadan 3000 oo kilomitir oo u dhaxeysa Delhi iyo Banglore.
Syed oo ku dhacay fasalka dhexe e dugsiga, wuxuu ku indha-qaaday ka ganacsiga qudaarta. Balse waxyar kadib wuxuu u wareegsaday agabyada korontada gaar ahaan dayactirka kombuyuurrada.
Markuu 50-jir ahaa, Syed wuxuu habeeyey gaari laba-lugood ah oo danab ku shaqeynaya isaga oo waxyar kadib ku badalay saddex lugood.
Marka loo eego Syed, waxay ku kacdaa hal lakh in lagu dhiso gaari yar kaas oo uu ku socdaalayey 10-kii sano ee ugu danbeyday. Hadda wuxuu dhibyari ku safray fogaan dhan 300 oo km. Waa guul laga mahdiyo dalweynaha Hindiya in laga helo hal-abuur la yimid hannaan is-badaleed kaas oo lama huraan u ah nolosha mujtamaca Hindiya.
Isaga oo ka hadlaya hal-curintiisa, Syed wuxuu yiri: “Waxaa dugsiga ka haray anigoo 15-jir ah: waxaana u halgamay nolosha qoysnimo. Balse waxaa igu shidnaa hiyi-waale xoogan oo ah inaan wax wax dheef u ah Aadanaha kusoo kordhiyo noloshooda isla laf ahaanteyda. Waxaan naftayda u sheegay inaan wax badali karo aniga oo 50-jir ah kahor intaan gabowgu igu imaan.”
Dhabtii way u rumooday himiladiisa tiiyoo ragaadyo badan uu kusoo dul joogsaday. “Waxaan rabay inaan ka yeelo socdaalkan mid waaya’arageed. Waxaan kusocdaa jidkiisa muddo 10-sano ah. Mana aqaan sidaan ku joojiyo.”
Yoolkiisa is-badal ayaa ah inuu wacyiga bulshada ku jeediyo halista hawada sii xumaaneysa iyo adeegsiga danabta laga dhaliyo cadceedda.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-02-02
You must log in to post a comment.