crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tajikistan oo laga mamnuucayo shacaa’irta iyo sunnada Islaamka | HimiloNetwork

Tajikistan oo laga mamnuucayo shacaa’irta iyo sunnada Islaamka

Muqdisho (Himilonews) – Madaxweynaha dalka Tajikistan Emomali Rahmon ayaa amray in iridaha la iskugu laabo dhamaan dukaamada iibiya xijaabyada ee dalkiisa. Waxaa kale oo Muslimiin badan lagu qabsay inay xiiraan garkooda. Haweenka, ayaa marka loo eego warbixin rasmi ah, waxaa lagu cadaadiyey inay iska qaadaan xijaabka. Waxaan oo dhami waxaa loo sameynayaa in laga foojignaado sida ay tilmaameen xagjirnimada kusii fidaysa dalka Tajikistan.
Emomali Rahmon kaas oo xajiyay sanadkii 1997 dalkiisa ku maamulayey xakame adag. Wuxuu dhiirr-gelineyey dhawaanahan dib usoo nooleynta dhaqanka dalkiisa halkaas oo sida la arkay uu faray in magacyada afka Carbeed lagu rogo magacyada dhaqameed ee dadka reer Tajikistan. Xittaa isaga magaciisa waxaa dhowr jeer badalay xilli soofiyeetka oo ahaa era Rahmanov oo laga dhigay Rahmon.
Si kastaba, tani waa tallaabo laqaado marka la doono in lagu marmarsoodo la dagaallanka xagjirrada. Waxaase isweydiin mudan maxaa iska gala astaamaha diinta iyo argagaxisanimada?
Dhamaan waxa loo joogo waa in laga dhursugo waxa kasoo naasa-cadaada dulmigan ka dhanka xuquuqda qofka Muslimka ah oo ay Tajikistan kula kaceyso muwaadiniinteeda.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!