crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Obama oo booqasho taariikhiga ku tagay Masjidka Baltimore ee Maraykanka. | HimiloNetwork

Obama oo booqasho taariikhiga ku tagay Masjidka Baltimore ee Maraykanka.

Muqdisho (Himilonews) – Madaxweyne Obama ayaa booqasho rasmi ah ku sameeyey Masjid ku yaalla Baltimore isaga oo dhaleeceeyey naceybka ka dhanka ah Muslimiinta.
Obama ayaa yimid xarunta bulshada Islaamka ee Baltimore subaxnimadii Arbacada oo ka kooban Masjid iyo madraso Islaami ah.
“Inta badan Muslimiinta Maraykanka waxaa loo beegsadaa falalka ay dhigaan tira-yar oo kamid ah,” ayuu yiri Obama.
“In diin la weeraro waa in diimaha oo dhan la weeraray.”
“Waxaynu maqalnay ereyo-siyaasadeed nac ku dhisan oo aan raad ku laheyn bulshada Maraykanka iyo dalka USA.”
“Waxaynu soo dhaweyneynaa booqashada taariikhiga ah ee madaxweyne Obama oo astaan u ah diidista midnimeed  ee ka dhanka ah Islaam-naceybka iyo muujinta raadka uu Islaamku ku leeyahay dalkeenna USA,” ayuu yiri Nihad Awad, oo agaasime ka ah guddiga qaran ee ISB.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!