Donald Trump oo loo magacaabay abaalmarinta Nabadda ee Noble Peace.
Posted by: Zakariya
in Wararka
February 5, 2016
238 Views
Muqdisho (HIMILONEWS) – Musharaxii u taagnaa xilka madaxtinimo ee USA waxaa dhacda inuu ku hungoobay hankaas: balse wuxuu helay magacaabis kale oo qiimo badan.
Donald Trump oo u taagnaa xilka musharaxnimo ee xisbigiisa Republican-ka ee madaxtinimada Maraykanka–kaas oo bannaan cad ku taagsaday in bulshada Muslimiinta laga mamnuuco gudaha USA: yirina Mexican-ku waa danbiilayaal iyo kufsato–waxaa loo magacaabay mid kamid ah abaal-marinnada ugu sarreeya dunida ee Noble Peace Prize.
Aragtidiisa ku aadaneyd Islaam-xagjirka, shuuciyadda Ruushka iyo Shiinaha, Nugliyeerka Iran iyo kooxda khilaafada Islaamka la baxday ee Daacish ayaa dhalisay inuu ku muto magacaabistaas, marka loo eego hal-fiirada guud ee guddiga qiimeeya daraasad maalmeedka siyaasadeed ee dunida.
Musharaxiinta kale ee sanadkan 2016 waa Pope Francis, Angela Markel iyo badmareenka reer Giriig kaas oo qaxooti badan soo furdaamiyay.
Magacaabista waxaa u codeeyey tiro badan oo Bunniyo jaamacadeed ah.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee qof la isku maan-dhaafsan yahay loo magacaabo abaalmarintan. Benito Mussolini ayaa loo magacaabay sanadkii 1935: Adolf Hitler sanadkii 1939 iyo Joseph Stalin oo laba jeer ku guuleystay abaalmarintan sanadihii 1945 iyo 1948.
Laba sano kahor ayay aheyd markii Vladimir Putin loo magacaabay abaal-marintan.
Dadkii horay ugu guuleystay abaalmarintan waxaa kamid ah Nelson Mandela, Barack Obama, Malala Yousafzai and Archbishop Desmond Tutu.
Guuleystaha waxaa lagu dhawaaqi doonaa bisha October.
Related
2016-02-05
You must log in to post a comment.