Hardanka Dibiyada ee Jidadka Caasimadda iyo Dayacnaanta Bulshada

Muqdisho (Himilonews) – Muddo 24-saac gadahood ah ayaa laba meel oo kala duwan waxaan ku arkay dagaal magaca iyo muuqaba kala siman midka Aadmiga una dhaxeeya laba Dibi oo waliba qasaare hadimmo iyo howl-hakinba geysanaya.
Aniga oo gaari shacab ah kasoo raacay isgoyska Dabka kuna soo jeeda Howl-wadaag ayaa si halhaleel ah oo darawalka iyo badi rakaabku aanay dhaadeyn waxaa dhacday in mar kaliya wadihii uu majaraha gaariga doc kale u leexsho –isaga oo ka fogaanaya waxyeello ay gaarigiisa iyo shacabkaba ku keenaan dirir aan indha’ laheyn oo ay laba Dibi isku hardinayeen taas oo anfariir ku noqotay dadweynihii kala duwanaa ee wadada qaadayey – nasiibdarro qeybta danbe ee gaariga ayaa ku buusantay isjiidjiidka labada Dibi: qasaaro intaas ka badanse lama kulmin.
Meel kale oo ku dhow Biya-dageenka Xareed, laba Dibi ayaa waqti dheer hardan ku qaatay ku dhex-martay. Weyraxa iyo wareeranka hardan ee dhex-marayey darteed, qofna maanu ku dhiirran karin inuu kala eryo. Markii loo kala taag-waayey ayaa mid inaga mid ah inta uu fiirsan waayay ul-weyn dhankooda la kacay si uu u kala fiigiyo. Balse, meesha ay ku dirirayeen oo aheyd kob dhiiqo badan, firir dhiiqood kasoo finiinay fal-hardankooda ayaa surwaalkiisii gaaray. Hayeeshe, kuma guuleysan inuu kala irdheeyo.
Dhacdooyinka hardan ee Dibiyada waa kuwo caadiyanba ay la qabsadeen darawallada adeegsada jidadka halbowlaha u ah caasmiadda Muqdisho. Sidaas darteed, daba-ka-fuulka iyo dawaralkiisu wax buuran kama muujin waxyeellada ku dhacday gaarigooda.
Waa markii iigu horreysay ee aan la kulmo dirir xoogan oo laba Dibi dhex marta –taas oo waliba halis galin karta dad iyo maal. Balse waxa anfariir dad badan ku beera waa sida cabsida iyo dareenka xoogan oo ay ugu dhex dagaalayaan waddo muhiimadeeda socdaaleed iyo mashquulkeeda badan awgeed ku qaadatay magaca Jidka Wadnaha.
In dagaalkoodu uu ka dhex dhaco bartamaha dhabbe muhiim ah ma ahan waxay dadweynaha guud ahaan qaabiyaan aragtideeda. Waa sida aan joogsiga iyo kala hakashada laheyn ee ay iskugu weyraxaan muddo ka badan nus saac waxa dhibaatada sababa.
In-kasta oo aan helin qof si cilmiyeysan iigu bandhiga waxay isku qoonsadaan oo inay is-qabtaan sababa, hadana waxaa hubaal ah in sedbursiino iyo sah kale oo sogordahan ay isku maan-dhaafaan. Inay leeyihiin xis iyo dareen ka badan midka aan ku mala-awaaleyno ayaa ah xaqiiqda ku dahsoon uunkooda oo Ilaahay ku gaar yeelay: dad badanse aanay garaneyn.
Hayeeshe, sida bulshada ula dhaqmaan, dhaqdaan una daryeelaan ayaa ah sheekooyin kamid ah kuwa ugu tiiraanyada badan ee lagu arko gudaha magaalada Muqdisho.
Marka aad mareyso waddooyinka kala duwan ee magaala-madaxda, indhaha qof walba waxaa caadiyanba ku dhaca hal ama tiro xoolo ah gaar ahaan Lo’ fadhfadhida ama dhex socota jidadka.
Ku dhawaad 20—neef oo Lo’ ah celcelis ahaan ayaad ku dhex arki kartaa marka aad qaado waddo kamid ah waddooyinka halbowlaha u ah caasimadda taas oo ka badan magaalo kale oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkeenna.
Waxay cunaan qashinka, garaabada iyo harharka meelaha ku qurma. Sidoo kale waxay calaliyaan bacaha iyo walxaha kale ee kiimikaatiga ah kuwaas oo halis caafimaad ku ah noloshooda iyo nafaha kuwa xoolo ahaan u dhaqda.
Si guud marka looga hadlayo faya-qabkooda, dhaqaatiirtu waxay cudurro badan oo bulshadu ka sheegtaan sida Tiifowga dusha u saaran dayaca iyo daaq-xumida xoolaha heysata gaar ahaan Lo’deenna.
Lo’du waxay u dhow dahay inay ku qabsin oodanto haddii loo joogteeyo cunsiinta Galeyda—oo ay boogo ku sameyso caloosheeda ‘ulcers’, marka loo eego baaris caafimaad.  Sidaas darteed, Ilaahay Lo’da wuxuu u abuuray inay cunto cawska—calaf ahaan: uma uumin inay calafsato Galley iyo wixii lamid ah.
Haddii calafsiga cunto fiican si gaar ah looga deyriyay inaan lasiinin Lo’da si aanay ugu bukoon, kawaran kuwa  sida joogtada ah qashinnada iyo gudaafadaha ugu nool? Maxaa laga fishaa siduu caafimaadkoodu noo saameyn karo? Sow shaki la’aan si ficil looma dhadhansan karo aayadda Ilaahay ku leeyahay:
(وهل جزاء الإحسان إلا الإحسان )
“Samaha Abaal-gudkiisu sow sama un ma ahan?!”
Soomaalidu waxay tiraahdaa:
Abaal  raaga, ragbaa laga helaa: abaal soo dagdagana xoolaha ayaa laga helaa.
Inaan guda-nno waajibaadka inaga saaran xoolaheenna gaar ahaan kuwa ku dacdaran jidadka caasimadda, sow abaalkeedu noqon meydo inaan ka helno caano iyo hilib caafimaad qaba?
Dadku waxay badi ka sheegtaan Tiifow inay ka qaadaan cunista ama cabista dheefta Lo’da. Hayeeshe, cidna isma weydiiyo hadday jirto waddo xoolaheenna looga caawin karo inaanay cunin qashinka iyo wasaqda oo daryeelkii saxda ahaa ee Ilaahay nagu amray korkooda ay naga helaan.
Dowladda Soomaaliya waxay dhawaan sheegtay inay furtay xarunta la-magac baxday Baadi-qabad oo lagu heysimo xoolaha lagasoo qabqabto waddooyinka magaalada—oo ay daba-socto ciqaab ay mutaan kuwa dayaca xoolahooda ee aan bulshada ka dhowran dhibkooda.
Taas waa bilow wanaagsan—oo is-baddal u noqon kara wax ka qabashada xoolaha ku dacdaran jidadka magaalada. Balse inta aanay jirin damiir nool oo ku jira qof kasta oo Muslim ah kuna nool caasimadda Muqdisho—kuna dhaqanaya Lo’diisa—kaas oo ku dhiirran-waayay inuu xoolihiisa waajibkii Alle ka saaray mas’uuliyadeysan kaga guto: baddalkeedana uu caafimaad kaga manafacsado dheefteeda, wax badan sooma kordhin doonto ciqaab-dowladeed iyo xarun Baadi-qabad oo la sameeyo!
Inta damiirkaas dhalanayo, Dibi kasta wuxuu kan kale ee dhiggiisa ah kula hardami doonaa sabab aynan macneyn karin sifaheeda.

IMG_20160113_071551_0 IMG_20160113_071555_0 IMG_20160113_071627_0 IMG_20160113_071653_0 IMG_20160113_071724_0 IMG_20160113_071756_0

Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!