crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax ka badan Dhibka Afrika | HimiloNetwork

Wax ka badan Dhibka Afrika

Muqdisho (HIMILONEWS) – Dhacdadii diyaaradeed ee 2-dii February ee bishan caadka dhigtay waxa ka jira hawada Soomaaliya ayaa hadda soo qayaxmeysa. Wax-yar kadib 15-daqiiqo oo diyaaradda duullimaadkeedu ahaa 159 ay ka duushay gegida Aadan Cadde ee Muqdisho—walxo qarxa oo uu siday Abdullahi Abdisalam Boorleh, oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda ayaa dhinaca midig ee diyaaradda ka duleeliyay.
Mr Boorleh oo lagu tibaaxayo inuu ahaa is-qarxiye, wuxuu ka dhacay diyaaradda—isaga oo meydan ayaana laga helay duleedka caasimadda. Inta kale ee diyaaradda saarneyd waxba sooma gaarin. Falka oo kusoo beegmay wax-yar kadib daqiiqadihii duulista oo diyaaraddu aanay qadkeeda qabsan, ayaa u dhigmay in qasaaraheedu yaraaday. In la yiraahdo 73-qofood ayaa ku dhacdadan ka badbaaday waa nasiib lagu ayaansado.
Octoobartii hore, 224-ruux oo saarnaa Metrojet duullimaadkeedu ahaa 9268 ayaa ayaan-daroobay. In-yar kadib 20-daqiiqo oo ay hawada ku jirtay—bam lagu tallaalay diyaaradda ayaa ku dul-qarxiyay gacanka Siinaay ee Masar. Koox taabacsan ISIS ayaa dusha u ridatay mas’uuliyadda qaraxa. Balse qofna wali masheegan mas’uuliyadda qarixii ka dhacay diyaaradda Daallo—in kasta oo maladu ku dhaceyso kooxda al-Shabab ee xiriirka la leh al-Qaacidda.
Ka eegista barbarrada iska cad, labadan dhacdo waxay dhalayaan hal isku dhigan: labaduba waxay u muuqataa inay soo maleegeen shaqaalaha gegida—waloow maamulka Masar ay wali diidan yihiin in dhacdada diyaaraddu aanay aheyn fal-argagaxiso, Rooytaris ayaa soo werisay in farsama-yaqaan kamid ah shirkadda diyaaradaha Masar looga shaki qabo inuu qaraxa maleegay.
Baaritaanka Soomaalida, jeer iyo hadda, wuxuu eedda dul-dhigay shaqaale kamid ah gegida kaas oo la duubay isaga oo Boorleh u dhiibaya wax u muuqday kombuyuutar laptop ah kahor intaanu diyaaradda raacin. Dhexda labadan dhacdo, waxa muuqata in lagu hubsaday adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah—kuwaas oo si mid ah loola xiriiriyay falalkii qarax-maleegis ee kala dhacay sanado kala duwan kadib weerarada 11-september.
Way adag tahay in la yiraado waxay tani kaga dhigan tahay duullimaadka caalamiga ah ee rayidka. Labadan dhacdo, oo u anfariiran siday yihiin, looma tix-gelin karo horu-kac. Soomaaliya iyo Siinaay labaduba waa goobo-dirireed—halkaas oo reer Galbeed badan ay ka digaan in looga soo duullimaado.
Xittaa duuliyaha Daallo—oo ah shaqaale kamid ah Hermes Airlines, oo ah shirkad Giriik ah oo u xil-saaran howgalinta duullimaadyada Daallo—wuxuu ka deyriyay hannaan xumida amni ee garoonka. “Amniga garoonku waa eber,” ayuu u sheegay AP. “Markaan dhan-istaajino diyaaradda, tiro dad ah ayaa iska soo gala fadhiga sugaalka ee garoonka. Wax kasta ayayna diyaaradda dhex-dhigi karaan kahor intaanay duullin.”
Taas waxaa dhacda inay ka guhaadaan kuwa soo duulaya London iyo Washington. Hayeeshe, kor u qaadista wacyiga reer Galbeed ka muujiyeen amniga duullimaadyada ee Afrika lagu arkay waa wax la xaqiiqsado.
Gegiyada diyaaradeed ee Afrika ma ahan kuwa sugan. Kuwa Yurubna looma hubsan karo.
Tix-geli sida sanadkii 2013 Soomaaliya ay Hey’adda Duullimaadyada Caalamiga ee Rayidka uga saartay meelaha halista badan ee lagu dago—ama sida, sanadkii hore waaxda duullimaadyada Masar ay uga soo baxday tijaabada badbaado ee duullimaadyada. Inta fog ee ay la jiifto Hey’adda caalamiga ah ee duullimaadyada u xilsaaran QM dareenka baqdin ee amniga diyaaradaha, iyaday quseysaa inay Soomaaliya iyo Masar ka saarto liiska goobaha xasilloon ee duullimaad lagu tagi karo,
“Waxaynu u baahannahay inaynu ka foojignaano inaan kula idlaanin dhacadadan dhan-siyaasadeed,”  Philip Baum oo ah hal-qoraha warsidaha amniga caalamiga ah ee duullimaadyada ayaa yiri kadib burburka diyaaradda. “Waxaad sidoo kale lama filaan ku heli kartaa hub iyo walxo qarxa oo lagu arko dunida Galbeedka.”
Markii aan booqday garoonka Muqdisho laba sano kahor, ma arag anfariirka laga muujiyay sugidda amni ee gegida—sida uu duuliyaha Daallo tilmaamay. Hayeeshe, taas badalkeeda, waxaan arkay tasiilaad militaaran oo laballaabay geyfanida amni taas oo ka baxsaneyd wacyiga ah in lasoo beegsado.
Waxaase dhacda inay u muuqato wax qaayiban inaan mala-awaalsado sida garoon ku dhex-yaal goob-dagaaleed aan amni ahaan ula simo mid ku yaalla caasimad reer Galbeed—balse aniga ahaan runtu way dhaaya-furatay. Dabcan waa qaldanaa. Midna miyey kooxaha xagjirta ah dhimayaan hankooda ah inay cagta soo dhigaan gegida diyaaradda.
Shirkadaha diyaaradaha, si guud, waa inay dheef-shiidaan wararka ah in afartii bil ee ina dhaaftay laba duullimaadyo caalami ah in—qarax loo maleegay.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan Mohamed ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!