crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mucjiso: Canug la dhashay kutubka Qur’anka gudaha Nigeria | HimiloNetwork

Mucjiso: Canug la dhashay kutubka Qur’anka gudaha Nigeria

Mogadishu (HIMILONEWS) – Magaalada Lagos ee dalka Nigeria waxaa ku dhashay wiil la mataalan kutubka Qur’anka kariimka ah.
Dadweyne badan ayaa iskugu yimid guriga uu ku dhashay dhallaankan mucjisada leh.
Hooyada dhallaankan Kabirat Lamidi, oo 32-jir ah, waxay sheegtay inay la xanuunsaneyd uurka ilmaheeda oo ay shinka ku siday 11-bilood.
Marka loo eego Lamidi, kolkii ay tahli weysay xanuunka uu kusoo kordhiyay ayay go’aansatay inay isbitaalka aaddo. Markii ay gaartay xarunta, waxaa loo sheegay inay sido cunug iyo wax kale oo aan la fahmi karin jaadkiisa, baaris kadib.
Waxayna aheyd kadib dhalmadeeda, markii ay ogaantay waxa dhaqaatiir garan waayeen fahamkiisa–balse waxay ku noqotay wax ka weyn suura-gal: waxay aragtay kutub Qur’an lasoo baxay cunuggeeda.
Lamidi ayaa sheegtay inay Alle u mahad-naqeyso in badan hadda kadib ku dadaali doonto u dhawaanshiyaha daacadiisa.
Culimada Muslimiinta ayaa aaminsan in calaamooyinkan kasoo muuqanaya gudaha bulshooyinka aaminsan diimaha Samaawiga ah sida Islamka iyo Kirishtanka lagu baraarujinayo wacyigooda iyo awoodda Eebe weyne.
Nigeria ayaa ah dal ay ku nool yihiin Muslimiin badan. Waxaana sidoo kale kula nool tira badan oo Kirishtaan ah gudihiisa.
Ma ahan markii ugu horreysay ee dhacdadan oo kale lagu arko qaaradda Muslimiinta badan ee Afrika.
Sanado kahor ayay aheyd markii dalka Kenya lagu arkay canug la dhashay kutubka Qur’anka gudaha qoyska aan Muslim aheyn.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!