La kulan gabadhii rabtay inay jaceylkeeda fogaan 3200 oo mile ah u jarto si ay ula noolaato!–Balse maxaa dhacay?!
Posted by: Zakariya
in Wararka
February 11, 2016
394 Views
Muqdisho (HIMILONEWS) – Haweeney shaqaday laheyd iska joojisay—hantideediina iibisay si ay ugu socdaasho Kanada una guursato nin aysan waligeed la kulmin ayaa niyad-jab kala kulantay xaggiisa—kadib kolkay ogaatay inuu haween badan jidkaan oo kale ku dhigay.
Evangelina Tsadiosou, oo 40-jir ah, waxay qorsheyneysay inay fogaan dhan 3200 oo mile ay usoo goyso maalinta jaceylka si ay ula noolaato Darryl Brown Fancey, oo 38 –jir ah: lamaanuhuna waxay ku ballameen inay isku mehersadaan gudaha garoonka.

Hayeeshe, kadib iska iibinta dhamaan wixii ay heysatay, gabdho badan ayaa soo wacay iyaga oo u sheegaya inay xiriir la yeesheen saaxiibkeeda.
Kadib wuxuu diiday inuu marna guur kula ballamay Miss Tsadiosou—taas oo ku qasabtay inay baajiso qorshihii ay nolol cusub kula dhisan laheyd oo ay kula noolaan laheyd magaalada Guelph ee Ontario.
Macalimaddii hore ee Stevenage, Hertfordshire, waxay sheegtay inay la beer-dulucday hadallada iyo oraahyadiisa dabacsan—iyada oo uga digtay haweenka kale inaanay ku dagmin dhagartan oo kale.
Waxay tiri: “Ma rumeysan karo inay tani dhacdo. Waan aaminay isaga oo dhan. Wuxuu ii sheegi jiray inuu si dhab ah ii jecelyahay. Hadda waa moral-jabay waana bahdilmay.”
“Waxaan iska iibiyay wax kasta. Waxaana u haliilnaa inaan xaggiisa abbaaro—aniga oo gacanta ku heystay tikigkeyga. Waxaanse garowsaday inaan runta qaabilo—run madow oo ah inaan kal-jabay.”
“Waxaynu ka wada hadli jirnay telefoonka maalin kasta. Wuxuuma iisoo diri jiray sawirradiisa. Waana sidaan sifadii aan niyadeyda ugu sheegay inaan is guursan karno maalinta jaceylka.”
“Waan ogahay tani si marka loo eego waa sheeko gurracan—hayeeshe, mararka qaar, waa inaad raacdaa tilmaamaha qalbigaada. Wuxuu ii sheegay inuu guriga noo kireeyey oo uu dhursugi la’yahay inaan dhankiisa halhaleel ku gaaro.”
“Wuxuu xitaa iisoo diriy faraantiga meherkeenna. Taasina waxay aheyd beentiisa oo xikmadeysan.”
“Sida dhow ee aan dhankiisa u geeddi-galay, sida fog ee uu iiga dheeraaday.”
“Hadda ma aqaan wax aan rumeysto.”
Doorashada ah inay isku guursadaan waa aragti dhankiisa ka timid. Waxay tiri: “Maalin ayaa ku iri wwaxaan imaanay Maraykanka si aan u diiwaaniyo album-kayga labaad. Waana markaas kolkii uu iga codsaday inaan Canada ugu imaado si aan isku guursanno.”
“Waxaan u qaatay inuu kaftamayo markii hore. Balse wuxuu ii hubsaday marar badan. Waxaan siistay kalsoonidayda. Waxayse iila muuqatay waaya’aragnimo aan bisleyn.”
“Wuxuu ila wadaagay hanaanka iyo hab-dhismeedka sharciyada guurka. Isaga oo ii sheegay inuu xittaa wasiirku saxiixay dukumentiga guurka. Maba qiyaasi sida fog ee uu ii dhagray. Aniga xittaa wuxuu iisoo diray dukumentiga si aan u saxiixo.”
“Waan ogahay dadku inay ka walwalayaan sida aan ku jeclaaay qof aanan waligay la kulmin. Balse waan sameeyey. Aad baadn u jeclaaday. Ma sugi kareyn inaan arko inagoo wadajir ku qaadana inta ka dhiman nolosheenna—dib markaan usii eegana, fiicnaan laheydaa inay tani ii rumowdo.”
Lamaanuhu waxay ku qaadan jireen waqti badan qadka telifoonka—iyaga oo saaxaso badan ku bixin jiray haasaawahooda—balse waligood sheeko muuqaaleed mawada yeelan.
Miss Tsadiosou, xittaa waxay la hadashay Francy hooyadiis iyo walaashiis—taas oo kalsoonideeda qoto dheeriday.
Hadda waxay isla aragtay inay nolosheeda la qabsato—waxayna u guureysaa Nashville.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-02-11
You must log in to post a comment.