Muqdisho (HIMILONEWS) – Haweeney shaqaday laheyd iska joojisay—hantideediina iibisay si ay ugu socdaasho Kanada una guursato nin aysan waligeed la kulmin ayaa niyad-jab kala kulantay xaggiisa—kadib kolkay ogaatay inuu haween badan jidkaan oo kale ku dhigay.
Evangelina Tsadiosou, oo 40-jir ah, waxay qorsheyneysay inay fogaan dhan 3200 oo mile ay usoo goyso maalinta jaceylka si ay ula noolaato Darryl Brown Fancey, oo 38 –jir ah: lamaanuhuna waxay ku ballameen inay isku mehersadaan gudaha garoonka.
