crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka uu Ninku Naagtiisa Umuliyo—Booska Umulisada galo. | HimiloNetwork

Marka uu Ninku Naagtiisa Umuliyo—Booska Umulisada galo.

Muqdisho (HIMILONEWS) – Aabe-noqde ayaa lagu qasbay inuu noqdo umuliyaha xaaskiisa—xilli ay fooshu ku timid—iyada oo ku sugan aqalkooda—wuxuuna waliba awooday inuu dhacdada muuqaal ka duubo.
Sawir-qaade Martin Boyce, oo Leicester ku nool ayaa kaamiradiisa u golaadiyay inay duubto dhalmada xaaskiisa Holly Dawson oo uurka ku siday curadkiisa koobaad.
Lamaanaha ayay ilaaladu la kulantay xilli hore aroortii ah—jeer Holly ay kicisay Martin si ay ugu sheegto inay fooshu ku timid—ilmuhuna ay madaxa soo dhigteen.
40-daqiiqo kadibna, Martin ayaa ku dhaliyay cunugtiisa Isabelle qolka jiifkooda—isaga oo xittaa maareeyey inuu dhacdada iyo dheelaas-farax isla duubo.
Martin, oo 35-jir ah, wuxuu yiri: “Holly ayaa iga kicisay abaare 3:30 am ee subaxa Axadda—waxayna si dagan igu tiri: fooshu inay bilaabatay iila eg tahay”
“Waxaynu u darbannay dhaqaaq—inaan isbitaalka u kaco, qoyska iyo waalidka u yeerno iyo umulisada.”
Waxaana ila soctay dhaq-dhaqaaqa kaamiradayda si aan dhacdada ilaa isbitaalka usii duubto. Balse markaynu jaranjarta kasoo daadegney, Holly way tahli weysay socodkii iyada oo xanuun la hundhuratay—ilmuhuna waxay kusoo socdeen si ka badan sidaan moodeyney.”
“Holly ayaa ku joogsatay bartamaha sagxadda qolka jiifka—howshuna waxay nooqtay in ilmuhu hadda yimaadeen.”
Wax-yar kadib markuu waago dillaaci rabana, waxaa halhaleel ugu yimid umuliso iyo kalkaaliso—waxay hubsadeen xaaladda cunugta iyo umusha. Waxayna ula kaceen dhanka isbitaalka.
Martin ayaa bartiisa ku qoray: waxaynu qaadanaya laba waaya’aragnimo oo wax weyn qoyskeenna ugu fadhiya—kasokow inaan labadeennaba aan xirfadda duubista iyo sawir-qaadista aan jecelnahay, hadana tani waa wax ka badan hiwaayad: waa hadiyad iyo hambalyo.
Markii laga soo saaray isbitaalka, qoyska cusub hadda waxay dib ula nool yihiin gurigooda dhallaankooda cajiibka ah.
Dad badan ayaan waaya’aragnimadan jecleysan inay dul-joogsadaan. Balse wax walba oo ay tahay , tani waa sheeko kadis iyo kaadsiinyaba lama filaan qofka ugu timaada.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!