crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Indonesia oo Shareecada ku oogtay fal-danbiyeedyo bulsho | HimiloNetwork

Indonesia oo Shareecada ku oogtay fal-danbiyeedyo bulsho

Muqdisho (Himilonews) – Gabar iyo wiil aan iskugu dhixin si sharci ah oo lagu helay iyaga oo si koodan ugu khalwoonaya meel gaar ah ayaa lagu dhangadeeyey fagaaraha Banda Aceh ee Indonesia, taas oo lagu salleeyey inay shareecada fad-qaleynayeen, sida uu sheegay sarkaal bileyska ka tirsan.
Afar kale oo la jiray ayaa iyaga lala dhagadeeyey marka loo eego horfiiq bileyska u qaabilsan cutubka daba-gala dadka lagu helo falalka shareecada wax u dhima.
Habka sharciga Islaamka ee laga dhaqan-galiyey goobtan waa mid si u adag, inkasta oo ay biya-kama-dhibcaan hirgalinta shareecada Islaamka: mamnuucista inay wadajiraan lab iyo dhedig aan is-qabin waa qeyb kamid ah falalka ugu badan ee lagu helo da’yarta deegaanka.
Laba bilood kahor, nin iyo haweeney ayaa lagu xiray kadib markii lagu helay inay wadajir kula gaaroobeen qol, sida uu sheegayo horfiiqa laanta shareecada ee bileyskaYusnardi. Xeer-ciqaabeedka usoo baxay wuxuu noqday in labadoodaba la dhangadeeyo.
Afarta kale ee dheeriga ka ah khalweyska, waxaa lagu dhangadeeyey inay qamaareen, sida uu yiri Yusardi.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!