Muqdisho (Himilonews) – Magaalada Istanbul caadiyan waxay caan ku tahay tirada mugga leh ee Bisadaha yaacsan jidadkeeda. Tani ayaa ku dhigantay hal-ku-dhig lagu oraah-qabsaday Istanbul in loogu yeero Catstantinople.
Halka ay qurux badan in la daawado, hadana Bisaduhu mahelaan cunno qoondeysan iyo qoolado ay jiifsadaan.
Imam naxariisle ah ayaa go’aansaday inuu cunno bisil iyo rakooyin ay jiifsadaan kasiiyo Masjidkiisa qoysas Bisado ah oo waliba carruur leh kuwaas oo ku nool gidaarrada Istanbul.
Imam Mustafa Efa ayaa Bisadaha ku tilmaamay martida Masjidka –waxayna Bisadahani nagaadigooda Masjidka ka dhigeen mid dagan.
Waxay ku dangiigsadaan roogaga masjidka markay Muslimiintu tukanayaan–halka mid kamid ah Bisadahan ay jecleysatay la joogga Imam Mustaf iyada oo dushiisa dhacadiidsata. Waxay dhasheeda usoo kaxeysay masjidka say ula noolaadaan.
Bartiisa Twitter Mustafa wuxuu ku yiri: “Mukulaaluhu waxay ku heleen naxariis iyo nolol samaan Masjidka gudihiisa.”
Jamaacada Masjidka ayaan u muuqan kuwa ka dareen qaba san-ku-neeflayaasha kula cusub guriga Alle ee dhankooda Rabbigooda kala caabuda–balse aanay fahmeyn.
Inkasta oo laga yaabo in dhawaqoodu uu waswaasiyo salaadaha, hadana booqadayaasha Masjidku dhib weyn uma arkaan iyadna.
Jamaacada qaar ee Masjidka ayaa sawirro kula galay gudihiisa.
Halka qaar kamid ah Muslimiinta ku nool Istanbul ayba usoo booqdaan Masjidka say u arkaan nolosha ay ku nool yihiin Bisadaha–oo loogu magac daray Martida Masjidka.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
You must log in to post a comment.