Mas Gabar rabtay inay dhunkato qaniinyo ugu badalay

Muqdisho (Himilonews) – Haweeney ku nool dalka Thailand ayaa loola cararay isbitaalka kadib markii uu mas ka qaniinay sanka xilli ay ku jirtay ban-dhig dhayaleed. 
29 jiradda Jin Jing ee Phuket, waxay kamid aheyd daawadayaasha ban-dhig xayawaaneed ay soo qaban-qaabisay shirkadda Pa-wai Odski kaas oo iyada oo rabta inay dhunkato maska qaniinyo kala kulantay. 
Maska ayaa durba kusoo haliilay gabadha isaga oo sanka ka qaniinay. Laba kamid ah qaban-qaabiyaasha ayaa halhaleel ah uga fujiyey sanka gabadha –iyaga oo daawadayaashu ku qeylinayeen argagax. 
Jing ayaa la geeyey isbitaalka caalamiga ah ee Phuket halkaas oo lagu dabiibay. Sawiro laga soo qaaday gabadha ayaa muujiyey nabarro ku finanay sankeeda. 
Af-hayeen u hadlay Pa-wai Odski company ayaa sheegay un Jing ay heshay magdhow gaaraya 3200$ si loogu ceymiyo hurgamadii gaartay. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!