Wiil dar Alle iyo Islaam jaceyl si fudud ugu gooyay gacantiisa

Muqdisho (Himilonews) – Kurey reer Pakistan ah ayaa gummadka gacantiisa gooyay kadib markii Khadiibka Masjidka uu si qaldan ugu eedeeyey inuu meel kaga dhacay diinta, sida uu CNN u sheegay sarkaal bileyska kamid ah.
Mohamed Anwar, oo 15-jir ah kana soo jeeda degmada Hujra Shah Muqeem ee gobolka Punjab, waxay dadka deegaanka ku asteeyeen geesi ku dhaqaaqay fal naf-hurnimo, sarkaalka sal-dhigga degmada Nuasher Ali ayaa u sheegay warfidiyeenka.
Warbaahinta gudaha ee dalka Pakistan ayaa sidoo kale kureygan heybtiisa baahisay.
Falkan wuxuu dhacay Arbacadii dhaweyd kadib kolkii wiilku uu si qaldan u maqlay ereyada uu ku qudbeynayey khadiibka masjidka oo lagu magacaabo Shabbir Ahmed.
Ahmed ayaa su’aalay jamaacada haddii uu jiro qof neceb Suubanaha NNKH inuu gacanta kor u taago wiilkuna isaga oo u qaatay kuwa jecel Suubaha NNKH gacanta ha taagaan ayuu gacanta taagtay.
Khadiib Ahmed ayaa wiilka ku oogay fal-diin naceyb wiilkuna wuxuu ku fal-celiyey inuu gurigiisa aado. Wuxuu saxan gummudka gacantiisa uu iska soo gooyay uu ku jiro hor-dhigay khadiibka Masjidka.
Wiilka ayaa falkan kusoo jiitay indhaha dunida gaar ahaan caalamka Islaamka. Aabaha kureygan ayaa sidoo kale ku faraxsan geesinimada inankiisa.
Si kastaba, halka wiilkan yar uu mala-dhowrsi gaaban diin jaceyl dartiis ku bixiyay xubin muhiim ah oo addimadiisa kamid ah, intee lagu arkayaa kuwo damiir nool naftooda ku hoggaansha iyaga oo ka gubanaya meel-ka-dhaca diintooda gaar ahaan bulshadeenna Soomaaliyeed?!
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!