crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 40

Dunida Muslimka

Bernie Sanders oo qof Muslim ah u magacaabaya Isku-duwihiisa Ol’olaha Doorashada Maraykanka.

WASHINGTON (HN) — In yar kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxtimada Maraykanka ee sannadka 2021, Senator Bernie Sanders ayaa Faiz Shakir u magacaabay isku-duwaha ol’olihiisa doorashada madaxtinimada America. Shakir oo kasoo aflaxay Jaamacadda Havard ayaa dhowr shaqooyinka qaran iyo kuwa uu isagu aas-aasayba kasoo qabtay gudaha Maraykanka. Wuxuu mar hormuud u noqday ol’ole looga soo horjeeday ...

Read More »

Muslimiinta Vienna oo cunnooyin bisil la gaaraya darbi-jiifta.

VIENNA (HN) — Koox dhalinyaro Muslimiin ah ayaa raashiin bisil la gaaraya dadka danyarta ah ee ku sugan gidaaradda caasimadda Austria xilliga qaboobaha uu kulaalayo. “Mashruucan oo kale, wuxuu dirayaa farriin ah in Muslimiintu aysan dhinac uga nooleyn dalkooda balse ay qeyb ka yihiin xalinta mushkiladaha bulshada guud ahaan ay wajahayaan,” ayuu yiri Batur oo kamid ah Guddiga RAHMA Austria. ...

Read More »

Waayeel British ah oo ku Islaamay gudaha Turkiga.

MUGLA (HN) — Oday reer Britain ah oo muddo afar iyo toban sannadood ah ku sugnaa dalka Turkiga ayaa qaatay diinta Islaamka – kaddib muddo badan oo uu la dhacsanaa akhlaaqda, dhaqanka iyo tacaaliimta Islaamiga ah. Cliff Peter Barber, oo 72 jir ah, kaas oo deganaa magaalada fethiye ayaa sheegay inuusan ku kadsoomin go’aankiisa ah qaadashada diinta Nabadda iyo Jaceylka. ...

Read More »

Masjid ATM casri ah u soo saaraya dadka danyarta ah.

Kuala Lampur (HN) — Masjid ku yaalla caasimadda Malaysia ayaa horay u qaadaya tallaab sahlaysa in qofku – isaga oo adeegsanaya aaladda ATM-ka Bangiyada – sakada raashiinka siiba bariiska ku bixin kara qaab sahlan, sida laga soo xigtay Channel New Asia.Mashiinka oo la dhigay Masjidka al-Akram waxaa loogu dawgalay in yabooha zakada loogu ururiyo bulshada Asnaf kuwaas oo inta badan ...

Read More »

Lammaanayaal Xafladda Arooskooda ka qeyb-geliyay Darbi-jiifta.

LONDON (HN) — Si xusuusta guurkooda ay uga dhigaan mid aan la ilaabin, lammaanayaal Muslimiin Britain ah ayaa farxadda xafladda arooskooda la wadaagay dadka darbi-jiifta ah ee ku nool gidaaradda caasimadda London – iyaga oo u qeybiyay cunnooyin kala ceyn ah. “Waxaan rabnay inaan farxadda iyo mahad-celinta maalinteenna weyn la qeybsado qeybaha bulshada oo aan cidlo looga tagin qolo gaar ...

Read More »

Guurka Shareecada Islaamka oo laga oggolaanayo UK.

LONDON (HN) – Golaha Wasiirrada Britain ayaa qorsheynaya inay si rasmi ah u aqoonsadaan guurka Islaamiga si bulshada Muslimiinta looga caawiyo in diiwaanka guukooda lagu daro midka qaran ee UK. Tallaabadani waxay haweenka Muslimiinta UK ka kaalmeynaysaa inay si rasmi ah guurkooda ugu helaan diiwaan si shaqaaqada guurkooda loogu maro hab maamuus ku dhisan Shareecada Islaamka oo ay dhinac aqoonsan ...

Read More »

Muslimiinta Shiinaha oo lagu qasbayo Khamriga iyo Doofaarka.

MUQDISHO (HN) — Mas’uuliyiinta Shiinaha ee gobalka  Xinjiang ee Muslimiinta Uyghur ay leeyihiin ayaa ku qasbaya dadka ku nool degaanka Ili Kazakh inay cabaan Khamriga oo ay cunaan hilibka Doofaarka, sida ay werisay Radio Free Asia. “Dadka Kazakh waligoodba ma cunin hilibka doofaarka,” ayuu yiri dagane kamid ah dadka degaanka ee reer Xinjiang. “Bilowgii sannadkan, ayaa dadka lagu qasbay inay cunaan ...

Read More »

Sahan — Dhalinyarada Induniisiya oo si dadban u xaadiraya Khudbadaha Masaajidda.

JAKARTA — Dhalinyarada Induniisiya ayaa dhaqankii hore ee kutubo-ka-raacashada Masaajidda u wareejinaya qaab online ah inay ku bartaan diinta Islaamka, sida lagu yiri cilmi-baaris cusub oo la sameeyey, marka loo eego Jakarta Post.“Youtube-ka waxaan ka heli karaa dhammaanba macluumaadka diiniga ah oo aan u baahanahay,” ayuu yiri Fitria Jamal. 25-jirkan ka shaqeeya Bangi gudaha ah ayaa kamid ah kumaankun ardayda ...

Read More »

Siyaasi Hollandese ah oo aad u necbaa Islaamka oo Islaamay!

MUQDISHO (HN) – Siyaasiga Xisbiga Midigta Fog ee Holland – kaas oo mar Islaamka ku tilmaamay been abuur; Qur’ankana ku sheegay sun – ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka. Joram van Klaveren, oo 39 jir ah, xalay fiidkii soo dhigay bartiisa inuu yahay qof Muslim ah. Xilli uu qorayay buug ka hadlaya Islaamka, Klaveren wuxuu sheegay in aragtidii uu ...

Read More »

Caro laga muujiyay kabo ay ku qoran yihiin Kalmadda Allah!

WASHINGTON, DC (HN) – Kumaankun Muslimiin ah ayaa ugu yeeray Shirkadda Nike ee kobaha sameysa inay dib u eegis ku sameyso kobaheeda cusub Air Max kuwaas oo cagta hoose looga qoray kalmadda Allah oo af Carabi ah. “Nike waxay runtii soo saartay kabo aanan ku habbooneyn in casriga nolosha maanta loo adeegsado sidii la doono maadaama ay ku dhigan yihiin kalmadda ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!