crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxay muhiim u tahay dib-u-furista Waddada 26 June?! | HimiloNetwork

Maxay muhiim u tahay dib-u-furista Waddada 26 June?!

Muqdisho (Himilonews) – Furitaanka Waddada 26-June oo sanadkii hore dib loo dayac-tiray, waxay sida hubaasha wax weyn ka qaban doontaa jaamka iyo ciriiriga ka jira jidadka halbowlaha u ah isku socodka dadweynaha.
Dhismaha laamiyadu qeyb muhiim ah ayay ku yeesheen socdaalka iyo safarrada gudaha caasimadda lagu kala goosho. Waxayna ahayd tallaab waqtigii loo baahnaa kusoo beegmatay maadaama burburkooda uu 20-jirsaday.
Kororka gaadiidka raaxada, tiro badnida Bajaajleyda iyo baabuurta PL-ku waxaa dhawaanahan si weyn looga fahmayay waddooyinka magaalada – siiba kolkii ay dowladdu soo wada xirtay jidadka yaryar ee kusoo dhaca laamiyada.
Soo dhex marista dhowr degmo iyo laamiyo muhiim ah, waddada 26 June waxay leedahay muhiimad ballaaran oo xakamayn karta buuqa iyo isku xiranka socdaalka magaalada.
Sanadkii hore, markii madaxweyne Xasan Shiikh uu furayay waddadan waxaa jiray su’aalo jawaab u heliddooda aysan lahayn muhiimadda ay maanta ku fadhiyaan oo kale.
Nidaamkii waqtigaas oo ka duwanaa midka maanta oo marka laga eego isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha aad u kala weydaarsan, hadana dadku waxay is weydiinayeen sababta Waddada Dabka oo joogto loo isticmaalo aan loo dhisin balse tan 26-June loo qurxiyay.
Weydiintaas iyo kuwa kale oo gadaal kaga soo kordhay oo ku saabsanaa sababta haddana waddada loo xiray dhisid kaddib, waxay maanta u muuqdaan inay heleen wax ka badan war celin – yaraynta mashquulka iyo ciriiriga jidadka halbowlaha u ah caasimadda Muqdisho!!
Taraafikada oo aan sidii la rabay u shaqeynin iyo kala soocid la’aanta gaadiidyada oo aan xilliyo cayiman qaarkood sida, kuwa xamuulka kasoo qaada dekadda, loo fasaxin inay adeegsadan waddooyinka ayaa ciriiriga magaalada qeyb kale kaga beegan.
Waxaa kale oo jira gaadiid waaweyn oo, kasokow adeegsigooda dharaarta cad ah, laamiyada dhinac uga baakinta. Qaadashada waqti lagaga dejinayo shixnadda ay sidaan ama dano kale oo aan muhiimad sidaas u weyn ku fadhin ayaa keentay in mararka qaar ay maalmo ku baakiman yihiin laamiyada siiba kan Wadnaha. Shilka ay gaadiidyadani qaarkood kolkol ku galaan waddooyinka ayaa laamiyada u diiday fursaddii si siman loogu wada adeegsan lahaa.
Qofka caadiga ah ee kasoo taga gurigiisa ku yaalla Kaaraan ama Wadajir ee doonaya inuu bartamaha magaalada soo aado, waxay ku qaadanaysaa waqti uusan rabin ama uusan filayn inuu kusoo tiigsado danihiisa.
Mana ahan wax saacado cayiman ku kooban. Ciriiriga ka jira waddooyinka Wadnaha, Makka al-Mukarrama iyo jidka Afgooye, waxay yihiin joogto laga bilaabo subaxa hore ilaa gabbal-dhaca.
Sidaas darteed, dib u furista Waddada 26 June – micno iyo sabab kasta oo ay ku timidba – waxay shacabka u tahay lama huraan.
Midda ugu muhiimsanna waa inay xaddidi karto, ugu yaraan, mashquulka iyo ciriiriga ay soo kordhiyaan gaadiidyada waaweyn ee kasoo baxa dekadda iyo kuwa ay leeyihiin ciidamada AMISOM.
Bu’da juqraafiyeed ee waddadan kasoo dhacdo iyo isku xirkeeda istaraatiijiga ah ee labada laami ee Wadnaha iyo Makka, waxay si muuqata u dhimi kartaa jaamka ka taagan magaalada.
Waayo baabuurta xamuulka ah sida kuwa dekadda, waxay toos uga dhici karaan is-goyska KPP iyaga oo aan leexasho badan soo gelin. Taasina waxay albaab cusub u furaysaa isku socodka magaalada oo ku dhawaad is-goys kasta uu leeyahay mashquulkiisa gaarka ah.
Balse inta aan gunta hoose laga dabiibin mashquulka waddooyinka – iyada oo taasi loo marayo micno kasta oo suura-gal ka dhigi kara sida in si guud joogto loogu howl-geliyo taraafikada jidadka, la kala xadeeyo xilliyada ay gaadiidyada kala duwani adeegsan karaan jidadka iyo wixii lamid ah, ciriiriga iyo jaamka Muqdisho ka taagan wuxuu mar kasta yeelanayaa saameyn muuqata iyo sah aan la mahdin.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!