Nin afadiisa dilay markii uu u dulqaadan waayay jirada heysa!

Muqdisho – Nin ayaa loo taxaabay jeelka dil uu geystay awgiis, tiiyoo uu sheegtay inuu dilka u geystay si uu u dhameeyo silica heysta.
Booliska Sayama ee dalka Japan ayaa xabsiga dhigay 62-jir lagu magacaabo Teruo Yamashita kaas oo dilay afadiisa 61-jirka aheyd taas oo la xanuunsaneyd cudurka Kansarka.
Marka loo eego booliska, Yamashita ayaa qirtay inuu tooreeyey afadiisa Makiko xilli ay ku dangiigsaneyd sariirteeda.
Yamashita ayaa kadibna u yeeray booliska una sheegay inuu dilay afadiisa. Saraakiisha ayaa u degdegay aqalkiisa, waxayna ugu tageen iyada oo dhiig-baxaysa.
Makiko ayaa loola cararay isbitaalka halkaas oo lagu dhawaaqay inay geeriyootay.
Yamashita ayaa booliska u sheegay inuu dilay xaaskiisa si ay kaga nasato xanuunka iyo laxawga heysta oo uu u dul-qaadan waayay inuu arko siliceeda.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!