MUQDISHO (HN) – Lihilayaasha diiq la yiraahdo Ricco ayaa la filayaa inay kasoo hor muuqdaan maxkamadda kaddib dacwad uga timid deriskooda oo ka seexan waayay qeylada badan ee diiqooda!
Hurdo bargo’ leh, maskaxda oo buuq looga furay iyo gebi ahaanba inay ka quusteen inay saani u jiifsadaan ayaa ah eedaha ay deriskan ka sheegteen Ricco. Waxay sheegeen in habeen iyo maalinba aan loo dulqaadan karin qeylada diiqan oo ay qadyaan ka joogaan.
Laakiin lihilayaasha diiqan ayaa iska fogeeyey eedaymahan – iyaga oo sheegay inay karaankooda ku dadaaleen inay xilli hore ka xereeyaan iyo inuusan arag baahi ku qaadda inuu qeylo badan sameeyo! Waxayse hoosta ka xariiqeen inay awoodi waayeen in saacadaha hore ee aroor walba ay kahortagaan inuusan qeylin gebi ahaanba!
Lammaanaha iska leh diiqan ayay la yaab ku noqotay in kiis nuucan oo kale ah uu ka yaallo maxkamadda. Waxay sheegeen in muddo 25 sano ah ay dhaqan jireen digaagga oo aysan weligood cabasho uga imaan jaarkooda – taas beddelkeeda waxayba ka heli jireen, sida ay sheegteen, qeylada diiqa.
Nasiib wanaag, diiqan ayaa hadda taageero ka helaya baraha bulshada waxaana loo sameeyey bog facebook ah oo isaga u gaar ah. Dadka ayaana xiisaynaya inay dhageystaan codkiisa. Waxayna jaarka dacwadan soo gudbiyay ugu baaqeen inay isaga guuraan aagga ama ay aqbalaan qeylada diiqa.
You must log in to post a comment.