crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 26

Dunida Muslimka

Sucuudiga oo faray Xujeyda inay qaataan Tallaalka Covid-19.

MUQDISHO (HN) — Qof walba oo doonaya inuu sannadkan ka qeyb galo gudashada Xajka iyo Cumrada waxaa laga rabaa inuu qaato tallaalka Covid-19, dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday. “Waa waajib iyo lama huraan in xaaji walba oo doonaya gudashada xajka iyo cumrada sannadkan inuu soo qaato tallaalka xanuunka Corona Virus.” Shaqaalaha caafimaadka iyo holwadeennada ku howlan marti-gelinta xujeyda ayaa la ...

Read More »

La kulan: Baaskiileyda Muslimiinta Manchester.

MUQDISHO (HN) — Markii dunida uu ku dhiftay xanuunka Corona malaayiin qof oo dunida saaran ayaa lagu qasbay inaysan kasoo bixin aqallada madaama lagu soo rogay bandow. Si haddaba loo leyliyo jirka iyo maskaxda, laba dhalinyaro oo Muslimiin ah oo ku nool Manchester ayaa go’aansaday inay baaskiil kula wareegaan magaalada habeenkii si ay uga fogaadaan cayilka iyo fadhiga badan. Waxayna ...

Read More »

Faransiiska: Masjid ‘gabaad siinaya’ Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Qabowga daran ee ka jira qeybo dunida kamid ah, masjid ku yaal Faransiiska ayaa albaabada u furay kuwa dibjirka iyo qaxootiga. “Muslimiinta ayaa gabaad na siiyay; waxaana ku faraxsanahay inan helno,” shwor, oo ah qaxooti ka yimid Nepal ayaa u sheegay warbaahinta. Masjidka Mantes Sud waxaa la dhisay sannadkii 2015-ka. Dhismaha Masjidka, Abdelaziz el Jaouhari, oo ah madaxa masjidka ayaa ...

Read More »

Youtuber Jarmal ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Christian Betzmann oo ah dalandoole muqaaladiisa soo dhiga youtube-ka ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo taageerayaashiisa kula wadaagay bartiisa instagram-ka. “Islaamku waa diin nabad ah waxaana la yeeshay xiriir qoto dheer Muslimiinta oo aan yaraantaydii la ahaa asxaab,” Betzmann ayaa kusoo dhinac qoray sawir uu soo dhigay bartiisa. “Kusoo koritaankayga Yurub waxaan maqli jiray Islaamka oo lala ...

Read More »

Sababta Dhalinyaro Muslimiin ah u soconayaan ‘nus malyuun tallaabo ah’!

MUQDISHO (HN) — Arday da’yar Muslimiin ah oo ku nool Canterbury, Kent, ayaa socday 500,000 oo tallaabooyin ah – dadaal ay ku doonayeen inay deeq ugu ururiyaan keydka cuntada si loo haqabeeliyo carruurta la jarmaadaysa gaajada aroor walba. “Naadiga Dhalinyarada Canterbury waxay ku bilowdeen 15 xubnood, waxay isku taageen inay taakulo u raadiyaan carruurta da’yarta ah ee subax walba ku jarmaada ...

Read More »

Militariga South Afrika oo laga ‘oggolaaday’ Xirashada Xijaabka.

MUQDISHO (HN) — Tallaab loogu yeeray mid taariikhi u ah Muslimiinta ku jira Xoogga Dalka Koofur Afrika, Haweeneyda lagu magacaabo Fatima Isaacs, ayaa ku guuleysatay in gabdhaha ku jira ciidanka loo ogolaado qaadashada xijaabka. “Waxaan ku faraxsanahay in natiijada kiiskii na hor yiilay uu kusoo idlaaday guul, waxaana uga mahad-naqayaa bahda nagala shaqeysay suuragelinta,” ayay u sheegtay Cape Times. “Waxaanu ...

Read More »

Masjid kuwa ‘Gaajada la jiifa’ siinaya Cunnooyin.

MUQDISHO (HN) — Masjidka Bristol, isaga oo kaashanaya urur kaalmeeya magan-doonayaasha, wuxuu cunnooyin bisil la gaaraya qoysaska danyarta ah “Masjidka Easton Jamia wuxuu mar walba safka hore kasoo gaala gurmadka iyo u fidinta gacan aadminimo bulshada kuweeda baahan,” ayuu yiri Abdul Malik, oo hoggaanka u ah Guddiga. “Waxaan si dhow ula shaqeyna ururrada bixiya deeqaha cunnooyinka si aan kaalinteenna uga ...

Read More »

Hey’adda WHO: “Magaalada Madiina waa midda ugu caafimaadka fiican dunida.”

MUQDISHO (HN) — Magaalada Madiina ayaa loo aqoonsaday hormuudka magaalooyinka ugu bedqabka iyo caafimaadka fiican dunida oo dhan, marka loo eego Hey’adda WHO. Waxaa ku nool tiro ku dhow 2 milyan oo dad ah, laakiin waa magaaladii ugu horreysay oo loo aqoonsado midda ugu caafimaadka fiican dunida. WHO waxay sheegtay in magaalada Madiina ay la kulantay dhammaanba shuruudihii lagu xulan ...

Read More »

Laacibka Kubadda Kolayga oo qaatay Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Laacibkii hore ee kubadda basketball-ka, Stephen Jackson ayaa qaatay diinta Islaamka, isaga oo ku biiriya ruugcadaaga kale ee kala tirsan ciyaartaas kuwaas oo kamid noqday diinta ugu faafitaanka badan caalamka. Muuqaal loogu qabanayo shahaahada oo dhacay 6 Bishii Janaayo ee sannadkan ayuu soo dhigay bartiisa. 42 jirkan howlgabka ka noqday cayaaraha ayaa ka fariistay sannadkii 2015-ka kaddib ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!