MUQDISHO (HN) — Markii dunida uu ku dhiftay xanuunka Corona malaayiin qof oo dunida saaran ayaa lagu qasbay inaysan kasoo bixin aqallada madaama lagu soo rogay bandow.
Si haddaba loo leyliyo jirka iyo maskaxda, laba dhalinyaro oo Muslimiin ah oo ku nool Manchester ayaa go’aansaday inay baaskiil kula wareegaan magaalada habeenkii si ay uga fogaadaan cayilka iyo fadhiga badan.
Waxayna sameysteen bar youtube ah oo ay soo dhigaan socodkooda.
Ahtsham Arfan, oo 41 jir ah, ayaa go’aansaday ayaa isaga oo la hadlaya Asian Image, wuxuu yiri; “Markii uu bilowday bandowga ayaan go’aansannay inaan bilowno jimicsiga baaskiilka si aan uga fogaanno cayilka kora jirka.”
“Habeenkii ayaanu u dooranay inaan orodno orodno si aan uga baxsan ciriiriga iyo buuqa maalinkii.”
Isaga iyo Noor Alam, oo 36 jir ah, waxay ahaayeen saaxiibo muddo dhan 15 sano.
“Waxaanu helnay waqti iyo daaqad nagu filan oo aan uga faa’iideysan karno jimicsiga iyo howlaha samafalka,” ayuu yiri Alam.
Waxay rajeynayaan in da’yarta kale kusoo biiraan halkii ay waqtiga isaga lumin lahaayeen game-ka iyo daawashada dhalada.
Bartooda youtube-ka waxaa hadda ku xiran dad gaaraya 3,000 kuwaas oo joogto ula socda hadba halka ay wax marsiinayaan.

You must log in to post a comment.