HomeDunida MuslimkaSucuudiga oo faray Xujeyda inay qaataan Tallaalka Covid-19.

Sucuudiga oo faray Xujeyda inay qaataan Tallaalka Covid-19.

MUQDISHO (HN) — Qof walba oo doonaya inuu sannadkan ka qeyb galo gudashada Xajka iyo Cumrada waxaa laga rabaa inuu qaato tallaalka Covid-19, dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday.

“Waa waajib iyo lama huraan in xaaji walba oo doonaya gudashada xajka iyo cumrada sannadkan inuu soo qaato tallaalka xanuunka Corona Virus.”

Shaqaalaha caafimaadka iyo holwadeennada ku howlan marti-gelinta xujeyda ayaa la faray inay qaataan tallaalka.

Sannad kasta, malaayiin Muslimiin ah ayaa usoo socdaala Makka si ay u gutaan tiir kamid ah tiirarka Islaamka.

Sannadkii hore, kooxo si gaar ah loo xushay oo ka kooban 1,000 qof ayaa loo oggolaaday gudashada acmaasha Xajka iyada oo loo yeelay faafitaanka Corona.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments