crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> App kuu sahlaya inaad ‘Salaadaha Jamaacada’ kula dukan karto. | HimiloNetwork

App kuu sahlaya inaad ‘Salaadaha Jamaacada’ kula dukan karto.

MUQDISHO (HN) — Da’yar Muslim ah oo dhalasho ahaan Taiwanese ah ayaa sameeyey app cusub oo qofka Muslimka ah ka caawinaya inuu helo goobta ugu dhow oo uu Jamaacada kula dukan karo.

“Waxda waa erey Carabi ah oo la micno ah Wadajir, midnimo iyo isku uur, waxaana rajaynayaa inuu Muslimiinta ka caawiyo inay ku midoobaan,” Cheng Ping oo kusoo dhex koray qoys Muslim ah haddana dhigta Bilkent University, magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa u sheegay Focus Taiwan.

Marka loo eego Chen, app-kan cusub ayaa qofka Muslimka ah ka caawinaya inuu ogaado Muslimiinta kale ee hareerihiisa joogta si ay wadajir salaadda ugu wada dukadaan.

Waxay sidoo kale iskugu diri karaan farriimo wacyi-gelin ah iyo ogeysiis la xiriira xilliyada salaadda si loogu soo degdego kheyrka iyo samaha.

Waxaa intaas dheer, inuu qofka u sheegayo Masjidka ugu dhow oo uu ku dukan karo shanta salaadood maalintii.

App-ka waxaa laga heli karaa Google Play iyo Apple’s App Store, waxaana uu ku tarjuman yahay dhowr afaf oo ka saacidaya qofka Muslimka ah ee jooga dal aan Muslim ahayn.

Wuxuu aad muhiim ugu yahay Muslimiinta aan heli karin Masaajid iyo aadaan ay ku towqiidsadaan waqtiyada salaadaha.

Kani ma ahan app-kii ugu horreeyey ee loogu tala-galay Muslimiinta.

Waxaa jira app la yiraahdo  ImamConnect kaas oo qofka ka caawinaya inuu la socdo khudbadda masjidka iyo fatwooyinka ka jira.

Waxaa kale oo jira app la yiraahdo FajrUp, kaas oo loogu tala-galay inuu qofka Muslimka ah ku baraarujiyo salaadda Subax inuu u tooso.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!