crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada ka dambeysa Jaziiradda Jaceylka. | HimiloNetwork

Sheekada ka dambeysa Jaziiradda Jaceylka.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay Shiinaha ayaa sameeyey wax walba oo qurux iyo daraandar laga heli karo – isaga oo doonaya inuu dib u hanto jaceylkiisii kala dhaxeeyey xaaskiisa – wuxuuna jinka webiga ku beeray ubaxyo iyo geedo heemaal leh.

Tallaabtiisu waxay soo jiidatay indhaha dadka ku nool Shiinaha, waxaana goobtii uu sidaan u qurxiyay hadda loo arkay meel ilo dhaqaale looga sameyn karo dalxiiska.

Xiao Xu, oo 30 jir ah, waxaa ka dheeraatay xaaskiisa madaama aysan ku qancin nolosha fog ee miyiga dibna isaga laabatay magaalada. Waxayna isaga iyo labadiisa waalid ku dhaaftay kelnimo.

Kaddib ka baaraandegga sida ugu dhow uu dib ugu hanan karo xaaskiisa, Xu wuxuu go’aansaday inuu dhir qurux badan, ubaxyo iyo wax walba oo indhaha soo jiidan kara ku beero. Adduun dhan 100,000 yuan ($15,500) ayaa ku bixiyay Mashruuca. Wuxuuna la kaashaday dadka degaanka inay kala shaqeeyaan.

Rajadiisa ayaa ahayd inuu saaxiibtiisa ka dhaadhiciyo inay usoo guryanoqoto madaaama beer qurux badan uu u sameeyey. Laakiin, dadaalkiisu ma noqon mid u mira-dhala sidii ku taamayay. Waana lagu gacan-seyray.

In kasta oo uusan ku guuleysan jaceylkiisa inuu ku kabsado tallaabadan, haddana waxay muuqaal kale u yeeshay bilicda iyo nolosha magaalada. Waxaana sawirada laga qaaday beertiisa ay si weyn ugu baaheen baraha bulshada halkaas oo qof walba uu jecleystay inuu isku soo sawiro.

Muddo saddex bilood ka badan ayay ku qaadatay inuu kusoo gabagabeeyo mashruuca.

Hadda dadka degaanka ayaa doonaya inay goobtani isku bedesho bar dalxiiseed ay usoo damaashaadan lammaanaha is jecel si dakhli dhaqaale looga sameeyo.

Waxaana hadda loogu yeeraa Jaziiradda Jaceylka.

Isaga oo ka hadlaya guul-daradda iyo guusha is dhinac yaal, Xu wuxuu yiri; “Jaziiradda Jaceylka laga yaabee inaysan rumeyn riyadayda, balse waxay nooleysay riyooyinka lammaane walba oo is jecel oo halkan wadajir usoo aaday.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!